| | 309 views

Maqaal Xiiso leh: MAXAA INALA GUDBOON? TALO & TUSAALEYN

Waxaa muhiim ah inaan isla fahanno dalkeena waa u baahan yahay maalgashi shisheeye (FDI), laakiin su’aashu waxaa weeye maalgashi noocee ah ayaan u baahannahay? Midda kale, anniga waxaan qabaa inaan Itoobiya cadaawad loo qaadin, laakiin taa micnaheeda ma’ahla inaan ilowno in Itoobiya tahay cadowga umadda Soomaaliyeed ee soo jireenka ah. Annigu shaqsiyan dhowr jeer oo hore ayaan kusoo celceliyay inaan Itoobiya la yeelanno xiriir ganacsi — oo u ogolaanno iney badeecadooda kala soo degaan kana dhoofsadaan dekedaheenna.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya waxaa weligeed ku jiray iney dhulka Soomaaliya sidey kula wareegtaba ey la wareegto, arrinkaanna waxaa gacan ka siinaya oo hiil iyo hoo la garab taagan dalal waa weyn sida; Mareykanka, Midowga Yurub iyo xataa dalal Muslim ah sida; Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya.

Walaaca haatan i galay waxaa keenay Itoobiya oo ku dhowaaqday iney sameysaneyso ciidamo bad, su’aashu waxaa weeye Itoobiya bad maleh ee ciidankaan baddee difaacanayaan? Waana tan abuurtay shakiga iyo kala infiriirka. Haddaan si kale u dhigo, maalgashi garannay, laakiin ciidanka badda xaggee loo wadaa? Haddaba innaga maxaa inala gudboon? Talaabo noocee ah ayaan u baahannahay inaan ka qaadanno?

Yurub iyo Mareykanka ujeedadooda waa iney helaan cid ey ku kalsoon yihiin oo u ilaalisa dhulka istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika. Cidda dhulkaan laga ilaalinayaana waa quwadaha waa weyn ee dunida ee loolanka kula jira reer Galbeedka, sida; Shiinaha, Ruushka iyo Hindiya iyo xulufadooda. Loolanka Geeska Afrika wuxuu ahaa mid jiray ilaa inta la bilaabay qorista taariikhda. Waagii hore waxaa ku loolamay Faraaciintii, ilbaxnimadii Baabiloon, ilbanimadii Misabotaamiya, tii Beershiya, tii Giriiga, tii Roomanka, tii Islaamka, ilaa laga yimaado dhammaadkii qarnigii 19aad iyo kala qeybsigii Afrika shirkii Baarliin (The Scramble for Africa). Imminkadan waxaa Geeska Afrika ku sugan quwado badan. Itoobiya waxay diyaar u tahay iney noqoto eyga reer Galbeedka.

Itoobiyaanku waxay aalaaba ku doodaan in Soomaalidu asal ahaan kasoo jeedo qowmiyadda Oromada, Oramaduna ey degenaan jireen dhulka Soomaaliya oo ey iyagu leeyihiin. Arrinkaan waa huuhaa iyo been la abaabulay, oo ujeedada laga leeyahay ey tahay in dhulka Soomaalida la sheegto. Aqoonyahanka Soomaaliyeed gaar ahaan taariikhyahannada waxaa la gudboon iney qalinkooda ku dagaalamaan oo taariikhda saxda ah ee umadda Soomaaliyeed dunida u sheegaan.

Dhanka kale, wadamada Carabta ee Itoobiya taageeraya iney Geeska Afrika oo dhan maamusho waxaa wada laba arrimood. Midda koowaad waa dano dhaqaale, Sacuudiga iyo Imaaraadka waxay qorsheenayaan marxaladda shidaalka ka danbeysa (post-oil era) — oo waxay doonayaan iney helaan dhaqaale ey ku tiirsanaadaan haddii shidaalka dhamaado ama dunidu ka kaaftoonto, sida in tamar kale loo guuro.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ma aaminsana iney Soomaalida ey isku haleyn karaan oo danahooda u fulin karaan, iyo iyagoo doorbidaya 100-ka milyan ee Itoobiyaanka ah iney ka dhex sameystaan suuq ganacsi oo u noqda irid ey Afrika ka galaan. Taageerada wadamada Carabta ee Itoobiya ma’aha mid dhowaan bilaabmatay, dhowaan waxay Sacuudigu qirteen iney Soomaaliya kula taliyeen iney Ruushka ka ceyriyaan dhulkooda ka hor dagaalkii 1977kii, waxayna yiraahdeen waxaa farriinta usoo dhiibay Mareykanka oo ey xulufo ahaayeen. Maadaama xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanku uu xilligaas xumaa.

Dhowaan ayey aheyd markuu sargaal ka tirsan dawladda Sacuudiga uu daaha ka qaaday iney qorsheenayaan sidii Soomaaliya loo hoos geyn lahaa dawladda Itoobiya. Midda labaad, wadamada Carabta waxay adeegayaal u yihiin quwadaha reer Galbeedka, oo waxay fuliyaan siyaasadda reer Galbeedka ey ka leeyihiin Bariga Dhexe iyo Bariga Afrika. Maadaama ey wadamada Carabtu yihiin Muslimiin, waxaa aalaaba dhacda iney isticmaalaan kaarkooda Islaannimada markey la xaajoonayaan Soomaaliya iyo wadamada kale ee Muslinka ah — si ey u fuliyaan waajibkooda shaqo oo ey u hayaan reer Galbeedka.

Innaga Soomaali ahaan waxaynu nahay dad tiro yar, marka loo eego 100ka milyan ee Galbeedka innaga kulaalaya. Waxaa inala gudboon arrimo dhowr ah:

1- Waa inaan nacasnimada iyo doqonnimada meel iska dhignaa — oo inta caqliga ka shaqeysiino waa inaan midownaa oo gacmaha isqabsannaa. Midowga umadda Soomaaliyeed ma’aha talo ee WAA WAAJIB.

2- Waa inaan dardar gelinaa dib u dhisidda hay’adaha dawladda.

3- Waa inaan dardargelinnaa dib usoo nooleynta ruuxda wadaniyadda.

4- Maalgashiga Itoobiya waa inaan hor dhignaa shuruudo adag oo ey uga horreeyan in ciidamo Itoobiyaan ey ka caagan yihiin iney qeyb ka noqdaan heshiiska.

5- Maalgashiga Itoobiya waa inuu noqdaa mid ah dano GANACSI OO QUDHA!

6- Waa inaan ku baraarugnaa dibindaabyada wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee shaarka Islaanimo inoo soo xidhay.

Gabagabadii iyo gunaanadkii, waxaa cad in dalkaan baylaha iska ah duulaan lagu yahay. Sidoo kale, waxaa cad in dalkaan dadkiisu uu hurdo dheer ku jiro. Dalkaan Eebe ayaa naga beeray oo hadiyad inoo siiyay, waxaana ka dhaxalnay awoowayaasheen oo u babac dhigay damacyo iyo dibindaabyo badan. Innaga waxaa innagu waajib ah, inaan xifdinno oo ka yureyno cadowga.

Ciddii rabta iney xiriir wanaagsan iyo maalgshi xalaal ah oo aan madaxbanaanideena iyo aayaheena wax u dhimmeyn waa inaa soo dhoweynaa. Laakiin, waa inaan yureeynaa cid alaale iyo cidii isku dayda dibindaabyo iyo damac. Xiriirka aan la leenahay wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka waa inaan aad uga taxadarnaa — oo iska ilaalinaa in Islaannimo nalagu gaado.

Qalinkii: Abdiaziz Arab



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada