| | 220 views

Hogaamiyihii Talibanka Pakistan oo duqeyn lagu dilay

Hogaamiyihii kooxda Talibanka Pakistan Mullah Fazlullah ayaa la sheegay in lagu dilay duqeyn ay geysteen diyaaradaha Maraykanka.

Mullah Fazlullah ayaa la sheegay in uu ku dhuumaaleysanayey buuraha bari wadankaasi Afghanistan. Duqeyntan ayaa khamiistii gelinkii danbe ka dhacday degmada Marawera ee gobalka Kunar ee waqooyi-bari Afghanistan.

Fazlullah ayaa sanadkii 2009 u baxsaday dhulka buuraleyda ah ee Afghanistan kadib markii maleeshiyaadkiisa lagu jabiyey dagaalo adag oo ay la galeen militariga Pakistaan, waxaana horey loo tuhunsanaa inuu ku sugnaa bariga Afghanistan sanadihii lasoo dhaafay.

Taliska Militariga Pakistan iyo waliba xafiiska Madaxweynaha Afghanistan ayaa Jimichii shalay xaqiijiyey in hogaamiyahaasi lagu dilay duqeyn Maraykanka u adeegsaday diyaaradaha Drone-ka.

Kooxda Talibanka Pakistan ayaa lagu eedeeyey inay geysteen weeraradii ugu cuslaa ee ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay gudaha dalka Pakistaan oo ay kujiraan weeraradii lala beegsaday saldhiyada militariga, masaajidada iyo waliba xarumaha waxbarashada.

Wuxuu Mullah Fazlullah hogaanka kooxdaasi la wareegay sanadkii 2013 kadib markii hogaamiyihii isaga ka horeeyey ee Hakimullah Mehsud isna lagu dilay duqeynta Maraykanka oo ka dhacday Waziristan



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*