| | 314 views

War-saxaafeed: in ay sharciga horkeenaan askarigaas si caddaaladda loo marsiiyo gaboodfalka…

War-saxaafeed:- Waa xun nahay mana ahan arrin aan aqbali karno in ciidamadeenu ay si NAXARIISDARRO ah ula dhaqmaan MUWAADINIINTA Soomaaliyeed iyaga oo ku guda jira howlihii loo xilsaaray ee AMNIGA, Haddaba annaga oo aad uga xun dhacdadaas XANUUNKA badan waxay Wasaaradda amniga gudaha cambaareynaysaa falkaas sidoo kale waxay ciidamada XASSILLINTA ugu baaqaysaa in ay sharciga horkeenaan askarigaas si caddaaladda loo marsiiyo gaboodfalka iyo jirdilka uu kula kacday muwaadinkaas Soomaaliyeed ee lagu baahiyay baraha bulshada ee Twitter ka iyo Facebook page ka.

Falalka noocan oo kale ah ma noqon doonaan kuwa aan u dulqaadan doonno. SHACBIGA waxaan ugu baaqayaa in ay degganaanshiyo iyo dulqaad la yimaadaan. Mahadsanidiin.

Afhayeenka wasaaradda Amniga gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Abdulaziz Ali Ibrahim Xildhiban



Flag Counter

Archives



Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada