| | 180 views

Dagaal Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda ku dhexmaray Magaalada B/Weyne ee G/Hiiraan.

Wararka laga helaayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay fiidkii dagaal ka dhacay xaafad ka tirsan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Weerarka ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii Maleeshiyaad Shabaab ah oo tiradooda lagu qiyaasay Sagaal nin ay wadada u galeen ciidan xero ka soo baxay kuna wajahnaa xero kale, halkaasi waxaa labada dhinac ku dhexmaray iska hor imaad daqiiqado socday.

Taliyaha Guutada 5-aad ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen nin Shabaab ka tirsanaa, laba kalnena ay ka dhaawaceen, dhankooda ayuu sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray Hal askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Dhanka kale wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in ciidanka dowladda ay bilaabeen hawlgal ay ku baadi goobayaan raggii xalay weerarka soo qaaday.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*