| | 349 views

Imaaraatiga oo bilaabay duulaanka magaalo xeebeedka Xudeydah

Ciidamada Imaaraadka oo ay wehliyaan kuwa dowlada Yemen iyo maleeshiyaad ayaa saaka oo Arbaca ah bilaabay duulaanka ay doonayaan inay ku qabsadaan magaalada Xudeydah oo ay ku taal dekadda ugu weyn ee dalkaasi Yemen.

Ciidamadan ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay soo buuxinayey koonfurta magaaladaasi oo ay weli gacanta ku hayaan maleeshiyaadka shiicada ah ee Xuuthiyiinta.

Imaaraatiga ayaa u qabtay illaa iyo Salaasadii shalay in maleeshiyaadka magaalada ku sugan isku soo dhiibaan ama u baneeyaan dhulkaasi, arrintaasi oo ay qaadaceen xuuthiyiinta oo sheegay inay ku dagaalami doonaan dekadda kaliya ee gacantooda ku jirta.

Xulafada Sacuudiga ayaa doonaya in ay gacanta ku dhigaan dekadda Xudeydah oo ah mid aad u ugu dhaw marinka Bab al-Mandab oo muhiim u ah, waana markii ugu horeysay oo duulaan noocaan ah ku qaadaan magaaladaasi tan iyo intii ay xulafadaasi kusoo biireen dagaalka Yemen sanadkii 2015.

Diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta dagaalka ayaa saaka duqeyn weyn ka geystay goobaha ay difaaca ka sameysteen maleeshiyaadka xuuthiyiinta, duqeyntan oo horudhac u ah ciidamada xulafada ee hada ku sugan duleedka magaaladaasi.



Flag Counter

Archives



Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada