| | 281 views

Afar qof oo ku geeriyootay Gaari lagu gubay Sh/hoose

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose, Shabaab ayaa xalay fiidkii waxa ay gaari Qaad siday ku gubeen deegaanka Batra-miin oo u dhaxeeya Golweyn iyo Buula-mareer oo ka tirsan gobolkaasi.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in xalay fiidkii ay mar qura ka war heleen gaari halkaasi ku gubanaya, iyo dad dalbanayay gargaar.

Wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi ka imaanaya ayaa sheegaya in falkaasi ay ku geeryoodeen ilaa Afar qof oo ka mid ahaa dadkii saarnaa gaariga, una rarnaa Qaadka oo markii laga keenay Buula-mareer, loona waday Shaleembood.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle oo Wareysi siiyey Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in gubitaanka gaarigaas ay ku geeriyoodeen Afar ruux oo Ganacsatadii saarneyd ahaa,isla markaana ay falkaas ka dambeeyaan Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka in goobta falka uu ka dhacay ay tahay mid howd ah,oo aan cidna joogin,hasa yeeshee ay gaareen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayna soo qaadeen meydka dadka rayidka ah oo ay gaariga la gubay ku dileyn Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi fitaax Xaaji Cabdulle in ay wadaan baaritaano ku aadan sidii lagu soo qaban lahaa dadkii ka dambeeyey in gaariga qaadka geyn jiray deegaano ka tirsan G/Shabeellaha Hoose in la gubo.

Gobolka Shabeellaha Hoose waxa uu ka mid yahay gobolada ugu colaada badan dalka, waxaa isku heysta oo isku horfadhiya Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab, sidoo kale gobolka mararka qaar waxaa ka dhaca dagaal beeleedyo.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*