| | 269 views

Tababarada ciidamada oo tayadooda laga deeyrinaaya…

Tababarada ciidamada SOOMAALIYED nuucyada kala duwan saraakiil, polis, militari ama sir doon.

Laga soo bilaabo 2004 ilaa hada dalka waxaa dalalka jaarkaa, kuwa carbeed, turk, Reer galbeedka noo soo tababareen ciidamo aad u tira badan. Misna tayada ciidankeena waa laga soo deeyrinayaa.

Inkastoo eey cunoqabateeyn saaran tahay dhanka hubka ah dalka misna waxaaa jira cilado kale oo sabab u ah in ciidamadu aminga xakameeyn waayen, Maamulka iyo nidaamka siyaasada ayaa ah Sababta ugu weeyn oo amigeeno u shaqeeyn waayey. Tusaale: tusaale dhamaan taliyeyaasha ciidamada ilaa hogaanka sare waxaa la badalaa ugu yaraan 3- jeer 4 tii sanaba.

Hogaaanka ciidanka poliska iyo nabad sugida waa uma howl galaan qaab xirfadeeysan ee waxeey qabtaan Shaqadii markaas madaxdu u dirto. Taas waxeey sabab tay in Heyadaha amniga eey moqdaan kuwa u shaqeeya madaxda lkn aan ku shaqeeyn sharciga iyo habraaca xirfada shaqadooda.

Waa muhiim in wax laga badalo nidaamka heyadaha dowliga ah dhamaan oo is hoos geeya shaqsiyaadka markaas talada haya

Institutionada hadii eey noo dhismaan waxaa noo suurta galeeysa in sharcigu shaqeeyo.

Yaan la shaqsiyeen oo leeysku darin dadka talada noo haya iyo institution.

Ciidamada amniga soomaaliyed waa ka tayo iyo dadnimo badanyihiin kuwa Amisom hadii eey helaan maamul hufan oo nidaam ku shaqeeya iyo xaquuqdoodana siiya.

Mahammed Salaad Yarow



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*