| | 195 views

Urur fadhigiisu yahay dalka Sweden oo deeq gaarsiiyay qoysas ku dhibaateysan magaalada Muqdisho

Ururka fadhigiisu yahay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden ayaa deeq kala duwan waxa uu gaarsiiyay qoysas ku dhibaateysan degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Ururka samafalka iyo gargaarka ee Ubax Foundation ayaa Deeqdaan oo isugu jirtay raashinka noocyadiisa kala duwan sida waxa uu gaarsiiyay qoysas iyagu si gaar ah u taabatay xaaladda nololeed iyo duruufo adag oo ay ku sugnaayeen.

Qoysaskaan oo tiradoodu ka badan tahay 31-qoys isuguna jiray dad danyar ah, waayeel, kuwo naafo ah iyo caruur agoon ah ayaa gacanta laga saaray raashin ka kooban Bariis, Bur, Timir, Sonkor iyo Saliid oo min 25Kg ah.

Xubno u hadlay qoysaskan iyagu helay deeqda ayaa uga mahad celiyay Madaxda iyo maamulka Ururka samafalka iyo gargaarka ee Ubax Foundation ee xaruntiisu tahay dalka Sweden gurmadka bani’aadaminimo ee ayu fidiyeen, iyagoona tilmaamay in tallaabadani ku soo beegantay xilli ay baahi u qabeen.

Magaalada Muqdisho oo ay ka da’ayaan roobab xagaay ah oo wata dabeylo iyo qabow ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen qoysaska danyarta ah iyo barakacayaan ka yimid gobolada dalka qaarkood, iyadoo Ururka samafalka iyo gargaarka ee Ubax Foundation tan iyo markii ay bilatay bisha barakeysan ee Ramadaan uu bilaabay inuu u gurmado qoysaska aadka u daran.

Sidoo kale Ururka samafalka iyo gargaarka ee Ubax Foundation ayaa si weyn uga qeyb qaatay afurinta qoysaska danta yar, iyagoona ku guuleystay inay deeqo kala duwan gaarsiiyaan ku dhowaad kun qoys, kuwaasi oo iyagu si qeyb qeyb ah u helayay gargaarkaasi.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*