| | 1,010 views

Ruushka iyo Imaaraadka oo Saldhig Ciidan ka dhisanaya Somaliya.

Dowladaha Ruushka iyo Imaaraadka ayaa ka wada hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen hardanka loogu jiro awoodda maamulka  Xeebaha Bariga  Afrika iyo Gacanka Carabta.

Dhaxal sugaha Dubai Maxamed Bin Zayid ayaa billowgii Bishan waxa uu maagalada Moscow ee Caasimadda Dalka Ruushka kula kulmay madaxweynaha dalkaas Vladimir Putin.

Qodobada ay isku raaceen waxaa ka mid ah in Ruushka uu sheedda kala socdo awoodda sii kordheysa ee Imaaraadka ku leeyahay Gobolka Bariga Afrika iyo Gacanka Carbeed.

In Imaaraadka oo kaashanaya Ruushka ay saldhigyo Ciidan  ku yeeshaan Waddamada Liibiya,Eritrea,Soomaaliya iyo Kurdistaanka Syria.

Wax yaabaha kale ee labada dal madaxdooda ay isla meel dhigeen waxaa ka mid ah in ay mideeyaan siyaasaddooda arrimaha dibadda eek u wajahan sida loo wajahayo khilaafyada siyaasadeed ee Bariga Dhexe iyo Afrika.

Dalka Ruushka ayaa joogitaan Milatari ku yeelanaya Saldhigyada Imaaraadka ku leeyahay Gacanka Carabta iyo Bariga Afrika,waxaana ay ciidamada Ruushka la soconayaan dhaq dhaqaaqa Ciidamada Mareykanka iyo China ee saldhiyada ku leh dalka Jabuuti.

Dowladda Imaaraadka waxaa ay joojisay taageerada ay siin jirtay Mucaaridka Madaxweynaha Syria,waxaana ay u beddeshay in ay ka qeyb qaadato wadahadallo nabadeed oo lagu soo dabbaalo Syria.

Dowladda Ruushka ayaa dhaliishay faragelinta arrimaha gudaha Syria ay ku hayaan Waddamada Mareykanka,Iraan iyo Turkiga.

Qodobada kale ee labada dal ay isla soo qaadeen waxaa ka mid ah xaaladda Dalka Yemen,waxaana ay isku raaceen in labadoodaba ay taageeraan Wiilka uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cbadalla Saalax,kaas oo lagu magacaabo Axmed Cali Cabdalla.

Waxaa y sheegeen in ay taageerayaan xisbiga PCP ee uu Cali Cabdalla Saalax hoggaamin jiray haddana uu wiilkiisa hoggaamiyo.

Dhinaca kale waxaa ay isla afgarteen in  ay wadajir u taageeraan Khalif Xaftaarka Dalka Liibiya,iyada oo Imaaraadka oo kaashayana Masar iyo France ay dhex dhexaadinayaan Jeneraalka iyo Dowladda ay Beesha Caalamka aqoonsan tahay ee ka jirta Tripoli.

Dowladda Ruushka ayaa iyaduna dooneysa in ay ku biirto kaalinta Imaaraadka,Masar iyo France ee Liibiya,waxaana ay la xiriirtay dhamaan dhinacyada Dalka Liibiya isku haya.

Isha: Al-Quddus Al Carabi.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*