| | 495 views

Soomaali ma waxa ay u baahan tahay xal siyaasadeed mise xal caskari iyo dhiig daata ?

Waxaan faaladan kaga hadli doonaa haddii uu Rabbi idmo mowduuc aad u mihiimsan, Kaasi oo loo baahan yahay inay ka doodaan dadka Soomaaliyeed ee waxgaradka ah sida Culimada, Aqoonyahanada, Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta damiirka leh iyo waliba dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka kortay aragtida gaaban ee ku dhisan qabiilka, deegaanka iyo waliba is-kooxeysiga.

Mawduucan, Ayaa ku saabsan nooca xal ee caadiyan loo baahan yahay: Ma xal siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin guud mise xal caskari iyo dhiig daata ? Ka hadalka arintan, Ayaa igu dhalatay ka dib markii aan arkay colaad halisteeda leh oo ka soo bidhaameysa deegaanka Tukaraq, Halkaasi oo ay isku dilayaan ciidamo kala taabacsan maamulada kala ah Puntland iyo Soomaaliland ee Xabashida la jaalka ah iyo waliba Imaaraadka.

Colaaddan cusub oo mar horeba galaafatay dad badan oo Soomaaliyeed, Ayaa ku soo biireysa colaado kale oo dalka ka sii socday, Kuwaasi oo u dhaxeeyey isla dad Soomaali ah wallow ay jiraan shisheeye qeyb ka ah colaaddaasi. Soomaalidan is-dileysa, Ayaa isticmaaleysa magacyo kala duwan sida magacyo diimeed, kuwa maamuleed iyo waliba mararka qaar kuwa qabiil, Xilli aan filaayey in laga daalay dagaal iyo in xoog la isku maquuniyo.

Hadabo, Anigoo ka jawaabayo su’aashii aan cinwaanka uga dhigay faaladeenna, Waxaan qabaa in dadka Soomaaliyeed aysan maanta u baahneyn colaad hor leh iyo dhiig daata. Bal waxaan qabaa inay u baahan yihiin xal siyaasadeed iyo musaalaxo guud, Si looga baxo dhibaatadan dabadheeraatay ee asaaggeena naga reebtay. Taana waxaan u keeni doonaa dalaa’il badan oo taageereysa doodeyda ah inaan loo baahneyn colaad hor leh iyo dhiig daata.

Sidan soo sheegeyba, Dadka Soomaaliyeed uma baahno dagaallo hor leh iyo dhiig daata, Maxaa yeelay dagaal xal waa lagu keeni waayey dhowr iyo 20-kii sano ee la soo dhaafay. Tusaale ahaan, Soomaalidu waxa ay dagaalameysay ku dhawaad 30 sano walina waa ay dagaalameysaa, Iyadoo aysan gaarin wax natiijo ah, Iyadoo waliba isticmaaleysa magacyo kala duwan sida kuwa diimeed, kuwa maamuleed iyo waliba kuwa qabiil.

Tusaale ahaan, Maxay ka faa’iidday dagaaladii lagu riday dowladdii Soomaaliyeed ee uu madaxweynaha u ahaa AU Maxamed Siyaad Barre ? Maxaa kaloo ay ka faa’iidday dagaaladii kale ee lagu galay magacyada qabiilka ee aan ka ahayn qax, qaxooti, gaajo, cudurro iyo waliba sharaf la’aan ? Ma jiraa qabiil laga adkaaday oo dalka isaga tagay ? Mase jiraa qabiil kale oo guuleystay oo maanta dalka u taliyo ? Kallaa wallaahi.

Waxaa kaloo dalka ka dhacay dagaallo kale oo lagu galay magacyo diimeed sida dagaaladii ay galeen ururkii Al-itixaad iyo Maxkamadihii Islaamiga oo ay is-herdiyeen siyaasiyiin Soomaali ah oo ay gadaal ka riiixayeen dowlado shisheeye sida Itoobiya oo kale, Taasi oo aan marna dooneyn inay aragto Soomaaliya oo degan. Ma garaneysaan cidda hubeysa Soomaalida is-disha ? Yaasde u maleyneysaan inay hadda hubeynayaan maamulada is-leynayo ?

Marka hadalka la isku soo xeeriyo, Soomaali waxba kama faa’iidin wixii dagaal ahaa oo dhacay ujeeddo kastaaba ha laga lahaadee. Sidoo kalena wax natiijo ah lagama gaarin dhammaan dagaaladaasi oo aan ka ahayn burbur, baaba’, dil, barakac, xaqooti, gaajo, faqri, dawarsi shisheeye iyo wiliba sharaf la’aan ? Dalka ma ku dhismay dagaaladaasi mise waa uu ku dumay ? Ma la isku jeclaaday dagaaladaasi mise waa la isku nacay ?

Dhowr iyo labaatan sano ka dib, Sow caqli-xumo ma’ahan inaan wali xal u aragno dagaal sokeeye iyo dhiig daata, Iyadoo waliba uu dagaalkaasi burburiyey dalkeenni quruxda badnaa ? Sow wax lala yaabo ma’ahan inaan maalin kasta tijaabinno hal xal oo aan shaqeyneyn ? War ma Soomaali ayaa kala adkaan karto ? Haddii ay kala adkaan karto, Maxay horay ugu kala adkaan weysay? Aaway caqligeenna ? Anaguse waxba nooma kordhaan miyaa ?

Anigu, Ma garan karo sababta ku qasbi karta dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah inay maalin walba ku dhex jiraan dhiig xaaraam ah, Iyadoo waliba la heli karo wadooyin badan oo wax lagu xalin karo sida wadahadal iyo musaalaxo guud oo kale. Waxaan kaloo garaneynin waxa lagu jeclaaday dagaal sokeeye, Iyadoo la og yahay nusuusta ku soo aroortay qadiyadan halista badan ee uu aadka uga digay Nabigeenna Muxamed salalahu calayhi wasalam.

Nabigu, Waxa uu yiri “Haddii ay kulmaan seefaha labo qof oo muslim ah oo dagaalameysa, kan wax dilay iyo kan la dilayba waxa ay galayaan naarta”. Waxaa kale oo uu yri “Cayda qofka muslimka ahi waa faasiqnimo, halka la dagaalankiisuna uu yahay gaalnimo”. Waxaa ka daran axaadiistan aan soo daliishaday aayadaha qur’aaniga ee ku soo arooray masaladan iyo waliba daadinta dhiig xaaraam ah. Horta, Ma la aqriyaa Qur’aanka mise goor horaa laga tahay ?

Tan kale, Sow wax fiican ma’ahan inaan dib u fiirinno wixii aan soo marnay ? Shalay, Waxaannu ahay qaran xoog leh oo ku haminayey inuu soo ceshto dhulkii ka maqnaa, Halka aan maanta halis ugu jirno in nala gumeysto Anagoo tiro badan, Islamarkaana la gurto kheyraadkeeenna aan ka baahannahay. Hadabo, Yaa na gaarsiiyey xaalkaasi ? Sow khilaaf iyo dagaal sokeeye ma’ahan ? Ma lihin miyaa caqli shaqeeya ?

Waxaan aragnay in Soomaali aysan kala adkaan Karin noocey doontaba ha u dagaalantee. Waxaan kaloo aragnay in Soomaali aan laga adkaan Karin xittaa haddii loo keensado Shiineys iyo Ruush. Hadabo, Waa maxay xalkan caskariga ee maalin walba la daba socdo ? Sow lama oga iney jiraan xuluul kale iyo wadooyin badan oo wax lagu xalin karo oo aan dagaal ahayn ? Sowse lama ogo in dagaalku uu yahay wasiilo ka mid ah wasaa’isha wax lagu gaaro ?

Anigu, Qiil uma hayo colaaddan ka soo cusboonaatay deegaanka Tukaraq ee aan wax badan ka fogeyn caasimadda maamulka daciifka ee Puntland. Sidoo kalena, Qiil uma hayo sheegashada labada dhinac ee daagaalmeysa. Tusaale ahaan, Sow wax lala yaabo ma’ahan in maamulka Soomaaliland uu ku doodo inuu soo taabanyo xuduuddi uu Ingiriisku la lahaa dhulkii uu Talyaaniga gumeysan jiray, Iyagoo og in Soomaalidu ay beelo ahaan dhulka u degan tahay ?

Shalay, Waxay lahaayeen waxaa na laayey Taliskii Maxamed Siyaad, Halka maanta ay sameynayaan wax aan ku banaaneyn sharcan walaa caqlan. Tan kale, Sow duqonimo ma’ahan in Puntland u dooddo dhul iyo dad ay horay u dayacday, Xilli ay aad ugu dhiiraneyd la dagaalanka Islaamiyiinta iyo jilaafeynta Dowladda Federaalka ee maanta qarka u saaran inay gudan weyso shaqadeeda sababo la xariira jalaafeynta uga imaaneysa kuwa horbooda Puntland.

Walaalayaal, Labadan Maamul ayaa ah labo maamul oo ay ku Xabashidu ku adeegato si ay ugu gaarto danaheeda guracan. Waxay kaloo hadda ku howlan yihiin fududeynta mashruuca Imaaraadka ee mudamirka ah, Kaasi oo beegsanayo ilaha dhaqaalaha ee dalka sida dekedaha oo kale. Waxay kaloo caqabad ku yihiin midnimada iyo madaxbanaanida wadanka oo wax walba nooga muhimsan marka laga reebo diinteenna suuban.

Ugu danbeyn, Waxaa soo jeedinayaa in si deg deg ah loo joojiyo colaaddan inta aysan yeelan waji kale. Tusaale ahaan, Waxaan ka baqayaa inay yeelato waji qabiil oo ay noqoto ugu danbeyn colaad u dhaxeysa beelaha Daarood iyo Isaaq. Waxaan kaloo ka baqayaa inay colaaddani ku faafto dhul iyo meelo ay Soomaalidu degan tahay sida qurbaha oo kale oo caadiyanba ay saameyso waxyaabaha gudaha ka dhaco sida aan marar badanba aragnay.

Waxaan kaloo soo jeedinayaa inaan dagaalka loo arag wadada kaliya ee wax lagu xalin karo maadaama ay jiraan wadooyin kale oo wax lagu dhameyn karo, Kuwaasi oo ka fiican wadada dagaalka sida wadahadal iyo dib-u-heshiisiin oo kale. Maxaa ka fiican in la wadahadlo si xal loo gaaro, Islamarkaana la baajiyo dhiig daata ? Maxaase ka wanaagsan in la iska daayo dagaal aan lagu kala adkaaneyn oo hadana sababayo barakac, qax hor leh iyo waliba in uu dalka gacanta ka baxo ?

Gunaanudkii, waxaan leeyahay, Soomaali waxa ay u baahan tahay waa xal siyaasadeed iyo musaalaxo guud oo ay aasaas u noqdaan culimada iyo odoyaasha dhaqanka, Si looga baxo dhibaatada, ceebta na haysata iyo waliba dawarsiga shisheeyaha, islamarkaana loo helo hanaan dowladeed oo dalka u horseeda nabad waarta, cadaalad iyo sinaan iyo waliba is-jaceyl. Ogaadana dhiig daata inaanu marna xal keeneynin. Allaahumma hal balaqtu ?

W/Q: Maxamed Ibarim
Iidka1@hotmail.com





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada