| | 424 views

Beentaa Xaqeeda Ma gudi kartid!!!.

Beentaa, ma wada gudi kartid xaqeeda,waxaad doonto samee.laakin Ku dadaal in aad raacdid waddada Alla Ku faray.

Wey kugu dhibtootay,waana u adkeysatay dhibkaaga, ha u diidin in ay kula wadaagto farxadaada markaad weynaato, ka farxi, idhaheedu mar kasta waxa ay kuu arkaan caruur u baahan xanaanadeeda da’daad doonto jir.

Ceeb haddii ay kuu nooshahay oo aadan noqon adoonkeedii. Haddii ay dhimatay u duceey, wax u sadaqeey, u xajji. Badlakeeda ha hilmaamin, waxaa hooya nool kuu ah waalidkeed hadeey noolyihiin, saaxiibadeed ,deriskii iyo dadkii ay xiriirin jirtay oo halkeedii kaa fiirsanaya.

Xaaskaaga iyo seygaaga hooyadii dhashayna waa hooyo, weysada kaama jabiso, xaq ayeyna kugu leedahay, hooyo waa badan tahay ee ha wada hilmaamin.

Ka faa’iideeyso, hooyo waa mid ka mid ah wadooyinka Jannada loo maro. Fursadaa ha dayicin.

Waa iga Talo.
Ramalaan kariim.

Qore: Yahya Amir.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*