| | 787 views

Lacag soo daabicid !!!!!.( iska hubi khatarta)

Waddanku waa u baahan yahay waana muhim, in uu yeesho Lacag u gaar ah, sida waddamada kale, laakin waa in laga fekeraa cawaaqibka ka dhalan kara.

Hayadaha Dowliga ahna waxaan kula talinayaa in ay joojiyaan waqtigaan Lacagta ay soo daabacayaan, si loo badbaadiyo dhaqaalaha dalka & Dadka.

Awoodda lacag daabicida waxaa iska leh Bangiga dhexe oo kaliya, sida dadka qaar ay u maleeyaan Bangiga dhexe ma hoos tago Wasaaradda Maaliyadda, laakin wada shaqeyn ayaa ka dhexeeysa.

Bangiga awoodiisa ugu sareysa malahan Gudoomiyaha Bangigu ee waxaa iska leh, Board-ka Bangiga oo aan ka tirsaneyn shaqaalaha Bangiga, mana ahan shaqaale dowladeed, si caalamiya iyo sida uu qabo sharcigeenii 1964 oo weli shaqeeya qayb ahaan. Waa Guddii aan ka badneeyn 5 Qof oo lagu xullo Aqoontooda, kadibna la marsiiyo Golaha wasiirada & Baarlamaanka si loo ansixiyo. Qofka Xubin ka noqonaya waxaa ka mamnuuc ah in uu noqdo shaqaale dowlo inta uu xilkaa hayo, ama Hayad dowladu ay saami culus ku leedahay in uu xubin ka noqdo ama uu u shaqeyo inta uu Board-ka xubin ka yahay, Mushaarna ma qaadan karyo, Guuno fadhi ayuu leeyahay inta shirku socdo, labadii bilba 2 maalin badanaa, Muddada xubinnimadu waa 2-3 sanno oo la cusbooneysiin karo.

Si Bangiga dhexe dib loogu dhiso ayaa Dowladii waqtigii Md. Cabdullahi yusuf iga codsatay in aan xubin ka noqdo Board-kii cusbaa ee Salka u dhigayay Bangiga dhexe ee cusub waana aqbalay. Waqtigaa laguma fekerin in Lacag cusub la daabaco, laakin waqtigii Dowladii sh.shariif ee wasiirka maaliyadda uu ka ahaa sh.Xassan ayaa la soo jeediyay , Board-kii aan xubinta ka ahaana wey diideen, waana sababeeyeen, dowladiina waa Garaawsatay.( kadibna 5 teenii Board-ka waa la wada bedelay,iskeena ayaan shaqada uga tagnay).

Lacag haddii la daabaco hadda waxaa ka dhalanaya, Nabadgalyo xumo, Deganaan la’aan siyaasadeed, Ganacsata badan oo ku xoola beesha iyo hanti badan oo si sharci daraa ugu wareegta Gacma kale.

Bangiga waxaa ku waajib ah, lacag kasta oo masuuliyadiisa lagu sameeyay ,Qofkii ay gacantiisa ku dhacdo in uu ka bedelo.Tusaale Lacagtii Nda( N20 & N50) taa oo si sharci ah uu Bangiga dhexe u soo daabacay waqtigii kacaanka, Qofkii weli heysta waa waajib in uu Bangiga dhexe u bedelo, haddii uu diido waxaa dhumaya kalsoonidii Bangiga lagu qabo, qofkuna waxa uu xaq u yeelanaa in uu diido Lacagta cusub.

Dhibaatada kale waxa ay noqonee in Bangiga dhexe uu dadka u bedelo Lacagta Baalweynta 1000ka .Sh.so. oo been abuur u badan, waxaana dhici karta inta howsha badalidu socoto, in la soo daabaco Baalweyn cusub, ileyn weli makiinadihii Lacagta lagu soo daabacayay waa yaaliin Xamar, Cadaado iyo Bossaaso. Baalweynta Cusub marka la daabaco ayaa Caleenta shaaha lagu qasaa, kadibna lagu roog roogsadaa si duug looga dhigo, kadibna Bangigaa la geeynayaa si loogu bedelo.

Ganacsato Sarifla yaal ah ayaa xadida Sarifka Somalia, ee hadda Bangiga dhexe ma xadido, Sarifka shillin somaligu markuu muddo kacaa kufleynayay ayaa hadda dollarka lagu saleeyay, laakin lacagta cusub muddo ayeey qaadanee si Sarif joogta ah ay ula yeelato lacagaha qalaad. Bangiga dhexena ma hayo Dollar ku fillan in uu suuqa ku xakameeyo MUDADA DHEER.

FG: Dhaqtarka waxaa ku waajib ah in uu bulshada uga digo cudurada soo fidi kara ee khatarta ah, sidoo kale dhaqaala yaqaankana waxaa ku waajib ah in uu Bulshada uga digo cudurada dhaqaalaha ku dhaca. in kasta oo wadanku u baahan yahay Lacag u gaar ah hadana in waqtigaan Bangiga dhexe uu soo daabaco lacag waxaan u arkaa khatar aad u weyn, In kasta oo Maadada ( Money & Bank) aan mudda dheer ka dhigayay Jaamacada kala duwan, Bangiyana aan ka soo shaqeeyay, Haddana waan khaldami karaa, Arragtidaada xor ayaad u tahay, wixii iga khaldan iga sax.

FG: wixii ka dhiman ka daawo Vedio-ga hoose. Aragtideyda Qofeed.

Qore: Yahya Amir

Lacag soo daabicid !!!!!.( iska hubi khatarta)Waddanku waa u baahan yahay waana muhim, in uu yeesho Lacag u gaar ah, sida waddamada kale, laakin waa in laga fekeraa cawaaqibka ka dhalan kara. Hayadaha Dowliga ahna waxaan kula talinayaa in ay joojiyaan waqtigaan Lacagta ay soo daabacayaan, si loo badbaadiyo dhaqaalaha dalka & Dadka. Awoodda lacag daabicida waxaa iska leh Bangiga dhexe oo kaliya, sida dadka qaar ay u maleeyaan Bangiga dhexe ma hoos tago Wasaaradda Maaliyadda, laakin wada shaqeyn ayaa ka dhexeeysa.Bangiga awoodiisa ugu sareysa malahan Gudoomiyaha Bangigu ee waxaa iska leh, Board-ka Bangiga oo aan ka tirsaneyn shaqaalaha Bangiga, mana ahan shaqaale dowladeed, si caalamiya iyo sida uu qabo sharcigeenii 1964 oo weli shaqeeya qayb ahaan. Waa Guddii aan ka badneeyn 5 Qof oo lagu xullo Aqoontooda, kadibna la marsiiyo Golaha wasiirada & Baarlamaanka si loo ansixiyo. Qofka Xubin ka noqonaya waxaa ka mamnuuc ah in uu noqdo shaqaale dowlo inta uu xilkaa hayo, ama Hayad dowladu ay saami culus ku leedahay in uu xubin ka noqdo ama uu u shaqeyo inta uu Board-ka xubin ka yahay, Mushaarna ma qaadan karyo, Guuno fadhi ayuu leeyahay inta shirku socdo, labadii bilba 2 maalin badanaa, Muddada xubinnimadu waa 2-3 sanno oo la cusbooneysiin karo.Si Bangiga dhexe dib loogu dhiso ayaa Dowladii waqtigii Md. Cabdullahi yusuf iga codsatay in aan xubin ka noqdo Board-kii cusbaa ee Salka u dhigayay Bangiga dhexe ee cusub waana aqbalay. Waqtigaa laguma fekerin in Lacag cusub la daabaco, laakin waqtigii Dowladii sh.shariif ee wasiirka maaliyadda uu ka ahaa sh.Xassan ayaa la soo jeediyay , Board-kii aan xubinta ka ahaana wey diideen, waana sababeeyeen, dowladiina waa Garaawsatay.( kadibna 5 teenii Board-ka waa la wada bedelay,iskeena ayaan shaqada uga tagnay).Lacag haddii la daabaco hadda waxaa ka dhalanaya, Nabadgalyo xumo, Deganaan la’aan siyaasadeed, Ganacsata badan oo ku xoola beesha iyo hanti badan oo si sharci daraa ugu wareegta Gacma kale.Bangiga waxaa ku waajib ah, lacag kasta oo masuuliyadiisa lagu sameeyay ,Qofkii ay gacantiisa ku dhacdo in uu ka bedelo.Tusaale Lacagtii Nda( N20 & N50) taa oo si sharci ah uu Bangiga dhexe u soo daabacay waqtigii kacaanka, Qofkii weli heysta waa waajib in uu Bangiga dhexe u bedelo, haddii uu diido waxaa dhumaya kalsoonidii Bangiga lagu qabo, qofkuna waxa uu xaq u yeelanaa in uu diido Lacagta cusub.Dhibaatada kale waxa ay noqonee in Bangiga dhexe uu dadka u bedelo Lacagta Baalweynta 1000ka .Sh.so. oo been abuur u badan, waxaana dhici karta inta howsha badalidu socoto, in la soo daabaco Baalweyn cusub, ileyn weli makiinadihii Lacagta lagu soo daabacayay waa yaaliin Xamar, Cadaado iyo Bossaaso. Baalweynta Cusub marka la daabaco ayaa Caleenta shaaha lagu qasaa, kadibna lagu roog roogsadaa si duug looga dhigo, kadibna Bangigaa la geeynayaa si loogu bedelo.Ganacsato Sarifla yaal ah ayaa xadida Sarifka Somalia, ee hadda Bangiga dhexe ma xadido, Sarifka shillin somaligu markuu muddo kacaa kufleynayay ayaa hadda dollarka lagu saleeyay, laakin lacagta cusub muddo ayeey qaadanee si Sarif joogta ah ay ula yeelato lacagaha qalaad. Bangiga dhexena ma hayo Dollar ku fillan in uu suuqa ku xakameeyo MUDADA DHEER.FG: Dhaqtarka waxaa ku waajib ah in uu bulshada uga digo cudurada soo fidi kara ee khatarta ah, sidoo kale dhaqaala yaqaankana waxaa ku waajib ah in uu Bulshada uga digo cudurada dhaqaalaha ku dhaca. in kasta oo wadanku u baahan yahay Lacag u gaar ah hadana in waqtigaan Bangiga dhexe uu soo daabaco lacag waxaan u arkaa khatar aad u weyn, In kasta oo Maadada ( Money & Bank) aan mudda dheer ka dhigayay Jaamacada kala duwan, Bangiyana aan ka soo shaqeeyay, Haddana waan khaldami karaa, Arragtidaada xor ayaad u tahay, wixii iga khaldan iga sax.FG: wixii ka dhiman ka daawo Vedio-ga hoose. Aragtideyda Qofeed.Qore: Yahya Amir

Posted by Yahya Amir on Tuesday, May 29, 2018

 

 





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada