| | 305 views

UN-ka,Midowga Afrika,Midowga Yurub,IGAD iyo Dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya oo ku baaqay Joojinta Dagaalada.

Dagaalada culus ayaa bilowday subaxnimadii, saacada maxalliga ah, oo u dhow agagaarka Tukaraq ee gobolka Sool ee u dhaxeeya Puntland iyo ‘Somaliland’, oo ku lug leh hub culus.

“Wada-hawlgalayaasha caalamiga ah ayaa ugu baaqaya labada dhinac in ay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka, bilawga wadahadal u dhexeeya taliyeyaasha millatariga ee ku sugan, in la sugo gargaarka bina-aadamnimada ee dadka barakacayaasha ah, ayna galaan wadahadallo si looga wada-hadlo kala-guurka iyo is-dhaafsiga shaqaalaha la xiray , “Ayaa lagu yiri bayaan wadajir ah.

War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in rabshaduhu ay sii wadayaan “xaalad bani’aadamnimo oo horayba u adag oo dhawaanahan ay sii xumeeyeen saameynta duufaantii kuleylka ee Sagar – iskudhacyadu waxay ku darsadeen dhibaatada dadka ku nool degaanka”.

Qaraarka Khamiistii ayaa waxaa ka mid ahaa UN, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Hay’adda Geeska Afrika ee loo yaqaan IGAD, Belgium, Denmark, Itoobiya, Finland, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Holland, Norway, Sweden, Turkiga, Boqortooyada Ingiriiska iyo Maraykanka.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*