| | 401 views

QISADII “BALQIIS”BOQORADDII REER SABA’ EE BADBAADISAY QOOMKEEDA

Waxay ahayd boqorod nooleeyd waqtigii nebi suleymaan cs kana talinaysay qaybo ka mid ah dhulka haatan loo yaqaan yaman oo ay ku noolaayeen qabiilooyin ximyar la oran jiray.

Boqortooyadii saba’ ee ay balqiisa ka talinaysay waqtigaa waxaa la sheegaa inay gaartay horomar lagu tilaabsado kii ugu haboonaa waqtigaas oo dadkeedu waxa ay gaareen ladnaan iyo barwaaqo tii ugu saraysay waqtigaas.

Quraanku ma ma sheegin magaca BALQIISA
Lkn waxay ku xusan tahay kutubta taariikhda intooda badan sida siirada ibnu hishaam iyo kitaabkiisa kale ee uu ugu magac daray tiijaan.

Waxa kale oo isla magacaas sugay imaamka weyn ee taariikh yahanka ah ee hamadaani kaas oo sugnaanshaha magaca balqiisa ku qaadaa dhigay kitaabkiisa loo yaqaan ikliil.

Nebi suleymaan cs oo waqtigaas ay balqiisa ka ariminaysay dhulka yaman isagu ka talinayay dhul ballaaran oo beytul maqdas iyo shaam iyo inta ku xeeran ah ma uusan ogayn jiritaanka boqoradan ka arimisa meel maamulkiisa ka baxsan tan iyo intii uu arinkaas ka ogaaday shimbir la oran jiray hud hud oo ka mid ahaa shimbiraha u shaqeeya.

Sida laga wada war hayo nebi suleymaan cs waxa uu ahaa boqor ilaahay siiyay awood iyo mulki ballaaran oo aan hore iyo gadaalba loo siin axad kale oo isaga ka horeeyay ama ka dambeeyay.

Waxaa loo sakhiray oo u shaqaynayay inta badan wax kasta oo uu ilaahay arlada ku abuuray,

Waxaa ushaqaynayay makhluuqaad badan oo ay jiniga iyo shimbiraha ku jiraan waxaa kale oo gaadiid looga dhigay dabaysha oo uu uraaci jiray halkii uu doono.

وَمِنَ الْجِنِّ مَن يَعْمَلُ بَيْنَ يَدَيْهِ بِإِذْنِ رَبِّهِ وَمَن يَزِغْ مِنْهُمْ عَنْ أَمْرِنَا نُذِقْهُ مِنْ عَذَابِ السَّعِيرِ (12) يَعْمَلُونَ لَهُ مَا يَشَاء مِن مَّحَارِيبَ وَتَمَاثِيلَ وَجِفَانٍ كَالْجَوَابِ وَقُدُورٍ رَّاسِيَاتٍ.

Boqortooyada nebi suleyman cs waxay ahayd mid ka casrisan kana xoog badan tii balqiisa
Jiniyada xooga badan ayaa udhisi jiray mixraabyada,guryaha,taalooyinka,jidadka,iyo warshadaha sameeya maacuunta iyo agabka guryaha oo digsiyada wax lagu karsado ku jiraan.

Waxay kaloo bad iyo barriba oga soo saari jireen wixii macdano iyo jawaahir ku jira sida luulka iyo yaaquudka.

Nebi suleymaan wuxuu yaqaanay oo ilaahay baray luqadaha xayawaanka kala gadisan ee ushaqeeya oo ay shimbirahana ku jireen.

وَقَالَ يَا أَيُّهَا النَّاسُ عُلِّمْنَا مَنطِقَ الطَّيْرِ وَأُوتِينَا مِن كُلِّ شَيْءٍ إِنَّ هَذَا لَهُوَ الْفَضْلُ الْمُبِينُ

Maalin uu udhaba galay arimaha shimbiraha ayuu ka dhex waayay hud hud markaasuu yiri “oo sidee wax ujiraan hud hud iima muuqdee,wallee wuu eedi amar la’aanta uu iska tagay hadaanu wax micno leh oo uu ku maqnaa ii keenin”.

وَتَفَقَّدَ الطَّيْرَ فَقَالَ مَا لِيَ لَا أَرَى الْهُدْهُدَ أَمْ كَانَ مِنَ الْغَائِبِينَ (20) لَأُعَذِّبَنَّهُ عَذَاباً شَدِيداً أَوْ لَأَذْبَحَنَّهُ أَوْ لَيَأْتِيَنِّي بِسُلْطَانٍ مُّبِينٍ (21)

Hud hud waa soo laabtay isaga oo warbixin basaasnimo ka sida boqortooyadii balqiisa oo uusan nebi suleymaan cs kaba war heyn.

Hud hud wuxuu nebi suleymaan usheegay inuu soo arkay naag boqorod ah oo wax kasta haysata oo xitaa leh sariir weyn oo ay ku seexato oo uu aad ula soo yaabay boqortooyada ay iyada iyo dadkeedu ku raaxaysanayaan.

Wuxuuse hud hud ku dhaliilay boqoradaas iyo dadkeeda inay ahaayeen kuwo qorraxda caabudda oo u sujuuda ilaahay cid aan ahayn camalkaasoo uu sheydaan uqurxiyay.
فَمَكَثَ غَيْرَ بَعِيدٍ فَقَالَ أَحَطتُ بِمَا لَمْ تُحِطْ بِهِ وَجِئْتُكَ مِن سَبَإٍ بِنَبَإٍ يَقِينٍ (22) إِنِّي وَجَدتُّ امْرَأَةً تَمْلِكُهُمْ وَأُوتِيَتْ مِن كُلِّ شَيْءٍ وَلَهَا عَرْشٌ عَظِيمٌ (23) وَجَدتُّهَا وَقَوْمَهَا يَسْجُدُونَ لِلشَّمْسِ مِن دُونِ اللَّهِ وَزَيَّنَ لَهُمُ الشَّيْطَانُ أَعْمَالَهُمْ فَصَدَّهُمْ عَنِ السَّبِيلِ فَهُمْ لَا يَهْتَدُونَ (24)

Nebi suleymaan cs si uu uhubiyo warka hud hud keenay wuxuu udhiibay warqad oo ku yiri u gee oo ka dibna ka soo laabo bal aan aragno waxa ay ku soo jawaabaane.

Hud hud warqadii markii uu u tuuray balqiisa oo ay akhrisay ayay soo shirisay madaxda dadkii ay utalinaysay oo waxay u sheegtay in ay heshay warqad si qurux badan loo soo xardhay oo ka socota Boqor suleymaan la dhaho oo awood fara badan leh watqadaasoo uu kagana codsanayo in ay ay uyimaadaan oo ay ku soo biiraan boqortooyadiisa.

قَالَتْ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ إِنِّي أُلْقِيَ إِلَيَّ كِتَابٌ كَرِيمٌ (29) إِنَّهُ مِن سُلَيْمَانَ وَإِنَّهُ بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَٰنِ الرَّحِيمِ (30) أَلَّا تَعْلُوا عَلَيَّ وَأْتُونِي مُسْلِمِينَ (31)

Balqiisa waxay ahayd haweeneey caadilad ah oo daggan oo aan dagdagin una talo badsata arimaha muhiimka ah sida kuwan oo kale mana ayan ahayd boqorod kaligeed taliso ah oo talada maroorsata oo kalegeed qaadata qaraarada muhiimka ah.

Waxayna dadkeeda ka cod satay bal in ay kala taliyaan arintan waxa ay ka yeelayso.
Markiiba dadkeedii oo ku kalsoon ilbaxnimada iyo awoodda ay haystaan waxay isku raaceen in ay usheegaan in ay yihiin quwad xoog badan oo aan la handadi karin isla markaana ay diyaar uyihiin in ay is difaacaan kaliya ay iyada amarka dagaal galinta ka sugayaan.

قَالَتْ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ أَفْتُونِي فِي أَمْرِي مَا كُنتُ قَاطِعَةً أَمْرًا حَتَّىٰ تَشْهَدُونِ (32) قَالُوا نَحْنُ أُولُو قُوَّةٍ وَأُولُو بَأْسٍ شَدِيدٍ وَالْأَمْرُ إِلَيْكِ فَانظُرِي مَاذَا تَأْمُرِينَ (33)

Balqiisa oo ahayd boqorod fiiro dheer markiiba kuma ayan dag dagin dagaal galinta qoomkeeda oo waxaa umuuqday in wuxu yahay dagaal aan laysku halayn karin guusha.

Waxay kaloo ka shakisneyd awoodda nabi suleymaan oo ay markiiba milicsatay inuu yahay mid tiknoolajiyada kaga sareeya maadaama uu yahay mid ay ushaqaynayaan shimbiro uu ka mid yahay midkan meesha fog waraaqda oga keenay.

Waxayna tolkeed ku tiri sideedaba maaha inaan dagaal ku deg degno waayo haddii nalaga guulaysto oo ay dhacdo in ay ciidamada naga soo horjeeda na qabsadaan way ina adoonsanayaan oo dadkeena ilbaxnimada iyo sharafta leh waxay inaga dhigayaan gun la gumaysto.

Ee bal inta ayan arintu heerkaas gaarin waxaan udirayaa hadiyado aan kaga kasbanayno wanaag iyo nabad.

قَالَتْ إِنَّ الْمُلُوكَ إِذَا دَخَلُوا قَرْيَةً أَفْسَدُوهَا وَجَعَلُوا أَعِزَّةَ أَهْلِهَا أَذِلَّةً ۖ وَكَذَٰلِكَ يَفْعَلُونَ(34) وَإِنِّي مُرْسِلَةٌ إِلَيْهِم بِهَدِيَّةٍ فَنَاظِرَةٌ بِمَ يَرْجِعُ الْمُرْسَلُونَ (35).

Nebi suleymaan cs oo doonayay badbaadinta boqortooyadan ilbaxa ah kase lunsan xaga hanuunka eebbe iyo inuu ku ballaariyo awoodiisa dhulka ay xukumaan waa uu ka diiday inuu ka yeelo arinka ay balqiisa usoo bandhigtay wuxuuna ergadii ku yiri usheega madaxdiina inaanan dan ka lahayn hadiyadiina oo aan idinka hormarsanahay oo waxa uu eebe na siiyay ay ka sareeyaan intan yar ee aad ku faraxsan tihiin.

ogaadana hadaydaan ii imaan inaan idiin soo diri doono ciidan aydan iska celin karin oo ii kiin keeni doona idinka oo kuwo dullaysan ah hadaydaan hadda si sharaf leh iigu imaan madaxdiina.

فَلَمَّا جَاءَ سُلَيْمَانَ قَالَ أَتُمِدُّونَنِ بِمَالٍ فَمَا آتَانِيَ اللَّهُ خَيْرٌ مِّمَّا آتَاكُم بَلْ أَنتُم بِهَدِيَّتِكُمْ تَفْرَحُونَ (36) ارْجِعْ إِلَيْهِمْ فَلَنَأْتِيَنَّهُم بِجُنُودٍ لَّا قِبَلَ لَهُم بِهَا وَلَنُخْرِجَنَّهُم مِّنْهَا أَذِلَّةً وَهُمْ صَاغِرُونَ (37)

Balqiisa oo ahayd haweeney indheer garad ah waxa ay markiiba ku qanacday in ciidanka awoodaas leh ee ay xitaa soo arkeen ergadii ay dirsatay aysan awoodin in ay iska caabiso sidaa darteed waxay door biday in ay fuliso amarka suleymaan oo ay aaddo iyada iyo wafdi ay hogaaminayso.

Waxayna kursigeeda iyo mulkigeeda oo dhamaada ka door biday badbaadinta dadkeeda iyo in aysan sawab ugu noqon galinta dagaal ay ku riiqmaan oo salfada naftooda iyo maalkooda.

Nebi suleymaan cs wuxuu u diyaarshay boqoradda soo socota dhoolo tus iyo inuu u muujiyo in uu ilbaxnimadooda si kasta oga sareeyo oo haddii ay raacaan ay qayb ka noqon doonaan barwaaqadan iyo baraaraha ballaaran ee ay dadkiisu haystaan.

Waxaa la sheegaa in wadada ay ku imanayso iyo meelaha ay soo marayso marka ay soo gasho xayn daabka xuduuda uu xukumo inuu ugu diyaarshay jowharado iyo farshaxan ka kooban waxyaabo ay ku indho daraandarto oo ku dhiiri galiya in ay ku soo biirto boqortooyadiisa si kasta oga saraysa teeda.

Wuxuu kaloo sameeyay arin uu kaga yaabsaday oo ah in uu diray tiknoolajiyo rabi ugu deeqay oo u keenta sariirteeda inta aysan soo gaarin halka uu nebi sulaymaan cs ku sugayo iyada.

قَالَ يَا أَيُّهَا الْمَلَأُ أَيُّكُمْ يَأْتِينِي بِعَرْشِهَا قَبْلَ أَن يَأْتُونِي مُسْلِمِينَ (38) قَالَ عِفْرِيتٌ مِّنَ الْجِنِّ أَنَا آتِيكَ بِهِ قَبْلَ أَن تَقُومَ مِن مَّقَامِكَ ۖ وَإِنِّي عَلَيْهِ لَقَوِيٌّ أَمِينٌ(39) قَالَ الَّذِي عِندَهُ عِلْمٌ مِّنَ الْكِتَابِ أَنَا آتِيكَ بِهِ قَبْلَ أَن يَرْتَدَّ إِلَيْكَ طَرْفُكَ ۚ فَلَمَّا رَآهُ مُسْتَقِرًّا عِندَهُ قَالَ هَٰذَا مِن فَضْلِ رَبِّي لِيَبْلُوَنِي أَأَشْكُرُ أَمْ أَكْفُرُ ۖ وَمَن شَكَرَ فَإِنَّمَا يَشْكُرُ لِنَفْسِهِ ۖ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ رَبِّي غَنِيٌّ كَرِيمٌ (40).

Kolkii ay usoo dhoweyd ee ay cagta soo saartay rooggii loo fidiyay ee soo dhoweynta ayuu nebi sulaymaan ka codsaday dadkii ag taagnaa in ay inkiraan oo aysan oga waramin arimaha sariirteedan laga soo hor mariyay.

Markay soo gaartay madashii marti soorka ayaa lagu yiri “tani sariirtaadii sow uma eka” waxay tiri “waaba iyada lafteedii malaha laakiin hore ayaanba uhelnay yaqiin intii aan soo soconay oo hadda waxaanba nahay kuwo hogaansan”

Balqiisa waxay ahayd qof caqli badan lkn waxaa ka hor joogay inay ilaahay kaliya caabuddo qoomka ay ku dhex jirtay oo ahaa gaalo dhaqan soo jireen ah u leh in ay qorraxda caabudaan.

Markiiba balqiisa waxaa loo gudbiyay qasriga madaxtootadii nebi sulaymaan cs oo ahaa mid ku dul yiilay biyo dushooda oo ka samaysnaa muraayado aad loo qurxiyay.

Kolkay galaysay ayay xaydatay maryaha oo ay banaysay labadeeda kub iyada oo moodaysa in ay jidhaan biyo ah ku dhex jirto.
Markiiba nebi sulaymaan ayaa ku yiri waa sarxi lagu xardhay muraayado ee biyuhu hoosta ayay marayaan.

Balqiisa oo la ashqaraartay sancadan mucjisada ah ee in ay aragto daayoo aan waligeed hore ugu fikirin ayaa qirtay in waxanu yihiin farsamo haysata awood sare oo ayidaysa ee aysan ahayn wax uu gaar uyeelan karo aadane iyada la mid ah.

Waxayna markiiba rumaysay nebi sulaymaan oo waxay qirtay inay allaha caalamka leh u hogaansantay.
قَالَ نَكِّرُوا لَهَا عَرْشَهَا نَنظُرْ أَتَهْتَدِي أَمْ تَكُونُ مِنَ الَّذِينَ لَا يَهْتَدُونَ(41) فَلَمَّا جَاءَتْ قِيلَ أَهَٰكَذَا عَرْشُكِ ۖ قَالَتْ كَأَنَّهُ هُوَ ۚ وَأُوتِينَا الْعِلْمَ مِن قَبْلِهَا وَكُنَّا مُسْلِمِينَ(42) وَصَدَّهَا مَا كَانَت تَّعْبُدُ مِن دُونِ اللَّهِ ۖ إِنَّهَا كَانَتْ مِن قَوْمٍ كَافِرِينَ (43) قِيلَ لَهَا ادْخُلِي الصَّرْحَ ۖ فَلَمَّا رَأَتْهُ حَسِبَتْهُ لُجَّةً وَكَشَفَتْ عَن سَاقَيْهَا ۚ قَالَ إِنَّهُ صَرْحٌ مُّمَرَّدٌ مِّن قَوَارِيرَ ۗ قَالَتْ رَبِّ إِنِّي ظَلَمْتُ نَفْسِي وَأَسْلَمْتُ مَعَ سُلَيْمَانَ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ (44)

Sidaas ayay balqiisa nafteedii iyo ta qoomkeedii oga badbaadisay bur bur adduun iyo belaayo aakhiro kadib kolkii ay caqligeeda iyo xigmadeedii saraysay gayay siisay iyadoo qof dumar ah inay ufekerto sidaa masuuliyadda ku jirto oo ay umaaraysay mixnadihii mulkigeeda ka hor yimi.

Halka ay boqoro badan oo rag ah ku hoobtaan maamul xumo dadka ay utaliyaana dhaxalsiiyaan mashaqo mahadho ah oo dad iyo maalba dhaafiya.

Culimo badan oo uu ibnu xazam ka mid yahay waxa ay qisadan usoo daliishadaan in ay haweenku madax noqon karaan haddii laga heli mid balqiisa oo kale ah

Waayo alle ayaa si cajab badan usoo bandhigay qisadeeda oo quraanku marna ma dhaliilin maamul wanaageeda halka uu gaalnimadeeda dhaliilay.

Ibnu xazam waxa uu xadiiska nabiga scw ee micnahiisu yahay ma liibaanaan qoom ay haween utaliyeen ku fasiray inuu khaas ku ahaa munaasabadii uu ku yimi ee ahayd in uu kisra gabadhiisa madax oga dhigay furus taas oo markii nabiga loo soo sheegay scw yiri ma liibanayaan qoomka ay haweeneey utalisay oo uu ula jeeday furus.

Waayo ibnu xazam waxa uu yiri waxaan ujeednaa oo quraanka noo sheegay qoom ay haweeney utalisay oo liibaanay waana qoomka saba ee ku liibaanay taladii balqiisa oo ka badbaadisay burbur naf iyo maalba leh nafteeda iyo ta qoomkeedana u horseeday inay rumeeyaan alle iyo nebi sulaymaan cs.

Abdullahi M Hussein



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*