| | 573 views

Maqaal: Sokorow iyo Soon, kala dooro dhaqtar ama wadaad xume

Wiil Baakistaan u dhashay oo aan goob ka wada shaqeynno, aabbihiis ayaa maalin dhaweyd dhintay. Odeygu wuu xanuunsanaa.

Wuxuu qabey macaan iyo dhiigkar. Takhtarkiisa rasmiga ah, wuxuu u sheeggay in uusan soomi karin, oo noloshiisu halis galeyso, oo uusan xammili karin dawo la’aan, cunta la’aan iyo biyo la’aan ay u sii dheer tahay Baakistaan oo ka mid ah dalalka ugu heerkulka badan dunida, sannad walbana bollaal qof ay u dhintaan kuleel awgiis.

Odeygii si walba oo la yeelay, waa laga celin waayey soonkii, sidaas ayuuna ku dhintay. Hadda, waxaa tubtii ku socota hooyadiis. Ilbiriqsi kasta wuu iska oynayaa.

Dhibka meesha uu ka jiro ayuu ii sheeggay. Waxa dhibka ugu wacan, waa koox diineed qoyska saameyn ku leh, oo wax ka ma jiraan ku tilmaammay hadalkii takhtarka qoyska, kuna dhiirragaliyey odeyga in uu soomo, hooyadiina waa tabtii. Hadda, maammadu sariir ayey iska saaran tahay, waana qof da’ ah oo aad iyo aad u xanuunsan, soonka iska joojina waa diidday!

“Alle ka dhawrsada, intii tabartiinna ah..” “Allaah ma kallifo naf, karaankeeda mooyee..” labadaas aayad ayaa wax badan badbaadin kartay, balse, burcad diineed ayaa qoyskaan ku habsatay.

Wax aan kula taliyo saaxiibkey, waan garan waayey. Mid ay xigto iyo xigaallo yihiin, baa kula taliyey in uu degdeg ugu laabto dalkii, oo uu kaw uga siiyo wadaadka aabbihii iilka u diray, hooyadiisna ay haatan sakaraad u tahay!

Cabdicasiis Maxamed Shidane

 



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*