| | 381 views

MAQAAL: ISLAAMKA IYO TIXGALINTA KALA DUWANAANTA

Fikirka ah anigaa xaqii oo soconaya ah inta i khilaaftayna waa baadil aan istaahilin inay noolaadaan xitaa haday yihiin muslimiin tukanaysa oo soomaya oo aaminsan shanta tiir ee islaamka iyo lixda iimaanka,amaba dad aan islaam ahayn oon wax ii dhimin,fikirka noocaas ah waa mid aad oga fog tacaaliimta diinta islaamka ee insaaniyadda iyo aadaninimadaba ilaalisay.

Haddii nabad la kala helayo sunanka Alle ee kowniga ah ee aan isbadalin waa midka ogolaaday inay addoomadiisa ku wada noolaadaan si nabad ah caalamkan inoo muuqda,wixii la xisaabtan ah rabbi xagiisa ayay jirtaa.

Ilaahay wuxuu yiri:-

“قُلْ كُلٌّ يَعْمَلُ عَلَىٰ شَاكِلَتِهِ فَرَبُّكُمْ أَعْلَمُ بِمَنْ هُوَ أَهْدَىٰ سَبِيلًا ”
“Mid kasta ha u camal falo dhankiisa iyo sida ay toosnaanta la tahay rabigiin uun baa garanaya midka wadada toosan hayo”.

Wuxuu kale oo Alle yiri:-

“وَإِن كَذَّبُوكَ فَقُل لِّي عَمَلِي وَلَكُمْ عَمَلُكُمْ ۖ أَنتُم بَرِيئُونَ مِمَّا أَعْمَلُ وَأَنَا بَرِيءٌ مِّمَّا تَعْمَلُونَ ”
“Haday ku beeniyaan oo ay xaqa diidaan waxaad ku tiraahdaa waxaan leeyahay camal falkeyga idinkuna waxa aad leedihiin camal falkiina,idinku beri baad ka tihiin oo laydiin raacan maayo waxa aan sameeyo,anigana beri baan ka ahay oo la ii raacan maayo waxa aad idinku sameyneysaan”.

Wuxuu kale oo Alle yiri:-

“قُلْ مَنْ يَرْزُقُكُمْ مِنَ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ قُلِ اللَّهُ وَإِنَّا أَوْ إِيَّاكُمْ لَعَلَى هُدًى أَوْ فِي ضَلالٍ مُبِينٍ ”
“Waxaad ku tiraahdaa oo yaa idinka arsaaqa samada iyo arlada ku dheh miyuusan Alle ahayn hadde ogaada kolkaa anaga mise idinka midkayo ayaa quman ama baadi cad ku sugan”

Runtii waa usluub cajiib ah oo ay insaaniyad ka muuqato sida Alle inoo barayo qaabka hadalka iyo doodda inoo dhaxeyn karta inaga iyo kuwa ina khilaafsan ee inaga aragti duwan,ilaahay muu oran ku dheh idinkaa khaldan oo inagaa saxan,tiiyoo la og yahay inuu rasuulku scw ahaa midka saxan ee xaq Alle u soo dhiibay siday.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

“المسلم من سلم المسلمون من لسانه ويده، والمهاجر من هجر ما نهى الله عنه”.
“Muslim waxaa ah midka ay muslimiinta ka nabad galaan afkiisa iyo addinkiisa,muhaajirna waxaa ah midka ka dheeraaday wixii Alle ka reebay”.

Mar kalana wuxuu yiri rasuulka scw:-

“المسلم من سلم الناس من لسانه ويده والمؤمن من أمنه الناس على دمائهم وأموالهم”
تعليق شعيب الأرنؤوط : إسناده قوي
وهو في (سنن النسائي:ج8ص104ر4995) وقال عنه العلامة الألباني: حسن صحيح.

“Muslim waxaa ah midka ay dadka ka nabad galaan afkiisa iyo addinkiisa’mu’mina waxaa ah midka dadka u nabad galiya dhiigooda iyo maalkooda”.

Ugu dambeyntii walaalayaal waxaa haboon inaan noqono muslimiin insaaniyiin ah oo ku socda sida ay diintayadu farayso.
Waadna mahadsan tihiin.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*