| | 301 views

IGAD oo sheegtay in Duufaano kale ay ku soo wajahan yihiin Soomaaliya.

Digniin uu soo saaray urur goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in Duufaano xooggan ay ku soo wajahan yihiin Xeebaha bari ee Soomaaliya.

Xarunta saadaasha ee Urur goboleedka IGAD ee magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa digniintaan soo saartay, waxayna dadka Soomaaliyeed ugu baaqeen saameyn ka dhalata Duufaantaasi.

Duufaantan ayaa lagu Magacaabo Mekuku, ayaa la sheegayaa inay ku soo fool leedahay jihada waqooyi iyo dhulka sare ee Dalka Yemen oo lagu wado inay gaarto 26-ka Bishan oo ah Berri.

Duufaantan oo ay qayb ka mid ihi la socdaan daruuro iyo Roob ayaa lagu wadaa inay ku dhuftaan Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Bariga deegaanada maamulka Puntland.

Dhanka kale Roobabka ka dhasha Duufaanta iyo Dabaylaha la saadaaliyay ayaa la sheegayaa inay ka da’ayaan Bariga Soomaaliya 25-ka illaa 27-ka Bishan waxaana la qiyaasayaa in wadarta Biyaha uu dhigayo ay noqon doonaan in ka yar 30 mm.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*