| | 223 views

Ururka Gargaarka Ubax oo deeq kala duwan gaarsiiyay qoysas dan yar ah

Ururka samafalka iyo gargaarka Ubax Foundation ayaa maanta deeq kala duwan gaarsiiyay qoysas danyar ah oo ku sugan magaalada Muqdisho, deeqdaasi oo ahayd afur uu ururku ugu talo galay qoysaskaasi oo isugu jira kuwo cuuryaamiin ah, agoon iyo kuwo danyar ah.

Deeqdaan oo ka koobneyd Bur, Baasto, Sonkor, Caano, Timir, Bariis iyo Baasto ayaa waxaa nasiib u yeeshay in la gaarsiiyo ilaa 60-qoys.

Ururka samafalka iyo gargaarka Ubax Foundation oo fadhigiisu yahay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden isla markaana deeqdaasi ugu talo galay in qoysaska danta yar iyo naafada ay afur ugu sameeyaan bacdamaa bisha barakeysan ee Ramadaan lagu jiro.

Qaar ka mid ah qoysaska iyagu helay gargaarkaasi ayaa uga mahad celiyay Ururka samafalka iyo gargaarka Ubax Foundation deeqdaasi gargaarka ah, iyagoona sheegay in kaalmadaasi la soo gaarsiiyay xil ay baahi weyn u qabeen.

Ma aha markii ugu ugu horeysay oo Ururka samafalka iyo gargaarka Ubax Foundation deeq kala duwan gaarsiiyo qoysaska Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka gudihiisa, isagoona had iyo goor ka qeyb qaata taakuleynta ay ku habsadeen duruufaha dhinaca nolosha ah.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*