| | 195 views

Soomaalida Minnesota oo iska fogeeyay in Lacago ay u diraan Al-Shabaab

Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa sameeyay dibadbax ka dhan ah Mid kamid ah Teleefishanada dalkaasi, iyagoona iska fogeeyay warbixin ka baxday oo ay sheegeen in ay Maskaxdii ka dambeysay ay tahay Xisbiga Jamhuuriga ee Talada haya.

Warbixinta Teleefishinka ayay ku tilmaameen in lagu buunbuuniyay in Soomaalida Mareykanka ay lacago ku taageeraan Waxa Mareykanka ugu yeeray Ururada Argagixisada.

Qaar kamid ah Jaaliyadda Soomaalida oo sameeyay Dibadbax ka dhan ah Warkaas ayaa meesha ka saaray Jiritaanka Eedamaha loo jeediyay.

Waxa ay sheegeen in arrintaan hoos loogu dhigayo Hormarkooda isla markaana loo jeedinayo Indhaha Bulshada Mareykanka iyadoona looga faaiideysanayo Buun-buuninta Xisbiga Talada haya uu sameynayo.

Waxa ay ku baaqeen in aanan lagu deg degin go’aan ka qaadashadooda, hadii ay jiraanna Shaqsiyaad Kiiskaas ku lugta lehna aanan guud ahaan Dadka lagu wada darin balse si gaar ah loola xisaabtamo.

Soomaalida Mareykanka gaar ahaan Gobolka Minnesota oo ah halka ay ugu badan yihiin ayaa wajahaya Culeysyo ugu imaanaya Dowladda, waxa ayna arrintaan sheegeen in ay dhalatay markii Madaxweyne Trump uu talada la wareegay.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*