| | 490 views

Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu dilay magaalada London

Waxaa magaalada London lagu dilay 72-kii saac ee la soo dhaafay labo muwaadin Soomaali ah, kuwaasoo dilkooda loo adeegsaday Toorey.

Wargeyska The Evening Standard ee ka so obaxa dalka Britain ayaa qoray in Marxuumiinta Soomaalida ee la dilay lagu kala magacaabo jirey Osman Shidane oo 20-jir ah iyo C/raxmaan Jaamac oo 24-jir ah.

Qoyska uu ka baxay Osman Shidane ayaa sheegay inuu dilkiisa ka mid ahaa 3 qof oo 72-kii saacadood ee la soo dhaafay lagu dilay Waddooyinka London.

Osman Shidane ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaalka, 3 maalin kadib, markii ay kooxo aan la aqoonin ku dhaawaceen meel ku dhow Dhismaha laga Dukaamaysto ee ku yaalla RUISLIP.

Marxuumka oo ay Waalidkiisu Soomaali yihiin waxa u uku dhashay dalka Denmark, wuxuuna magaalladda London ku noolaa muddo 15-sanno.

Dhinaca kale, Muwaadin Soomaali oo lagu magacaabi jirey C/raxmaan Jaamac oo 24-jir ah ayaa maydkiisa la helay, iyadoo ay dhaawacyo Tooreey ku yaallaan.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada