| | 243 views

Faah Faahino ka soo baxaya Qarax xalay lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax miino oo xalay fiidkii lala eegtay ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya kuwaas marayay meel aan sidaas ugu fogayn Isgoyska Ex Kontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa Miino ayaa waxaa la doonaayay in lagu wax yeelo Gaari ay wateen ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya, waxayna warar hoose oo soo baxaya sheegayaan in qaraxaas aan wax khasaara ah uu ka soo gaarin ciidamadii dowlada ee qaraxa lala damacsanaa.

Wararku waxay sheegayaan in qaraxaas ay ku geeriyootay laba ruux oo rayid ah oo ka ag dhawaa goobta uu qaraxa uu ka dhacay.

Waxaa goobtaasi howgal ka sameeyay ciidamada amniga magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo qab qabtay dhalinyaro fara badan oo ka ag dhawaa halka uu qaraxa uu ka dhacay.

Dhanka kale waxaa habeenadaan Muqdisho caado ka noqotay maqalka rasaasta, dilka dadka rayidka ah, iyo Caruur caadaysatay inay Baaruud halis ah ku dagaalamaan wadooyinka xaafadaha iyo Laamiyada, mana jirto cid wax ka qabanaysaa arimahaasi, xilli ciidamo la sheegay inay jiraan ciidamo amniga lagu aaminay.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada