| | 203 views

Dhibaatada ay keeni karto duufaantaan iyo roobabka ay wadato

a) Waxaa ka mid ah daad badan, wabiyada oo fataha, dhimasho dad iyo duuno. Waxay kaloo sameyn ku yeelan doontaa bur-bur ku yimaado hantida gaarka loo leeyahay hantida guud oo ka mid ah dariiqyada iyo waxkasta oo loogu yeero infrastructure.

b) Roobka ay duufaantaani reebeeyso waxaa la qiyaasayaa inuu socon doono laba isbuuc ama inka yar, taasi waxay keeni kartaa inuu dilaaco cudurka la yiraahdo shuban biyood ( cholera infection) labada isbuuc ee soo socta.

Waxaan kula talinayaa shacabka Soomaaliyeed inay aad uga fogaadaan biyaha wasaqda ah, marka ay cabayaan biyaha marka hore waa in la karkariyo si jeermiska looga dilo, ilmahana loo diido inay ku dabaashaan biyahaas wasaqda ah. Waxaan kula talinayaa wasaaradda caafimaadka inay diyaariso daawada shuban biyoodka hadii loo baahdana la helo meel gooni loo seexiyo dadka ku dhaca shubankaas si uusan u fidin.

Wa bilaahi Tawfiiq.

Sheekh Nuur Abukar Qaasim



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada