| | 758 views

Madaxwaynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya Dr. Cabdi Maxamuud Cumar iyo socdaalkiisii Magalada Qabridahar

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa kadib socdaalkoodii gurmadka degdega ah ee isugujiray daawooyinka iyo raashinka ee ay kugaadhsiiyeen bulshada uu saamaynta kuuyeeshay fatahaada wabiga shabeele ee ku dhaqan jiinka wabiga shabeele gaar ahaan degmada mustaxiil dib uga soo laabtay.

Iyadoo madaxwaynaha iyo waftigiisuba si qoto dheer usoo indho indheeyeen inta uu le egyahay saamaynta fatahaada wabigu kuyeeshay bulshadaasi, kulamo kaladuwana laqaatay bulshadii islamarkaana kutalo bixiyay in magaalada mustaxiil laga raro meesha ay hada kutaalo masaafo dhan 3 KM.

Sidaasdarteed, Madaxwaynaha iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa kadib sodcdaalkoodii gargaarka degdega ahaa kasoo laabtay iyagoo caawa kusoo dheelmaday magaalada qabridahar ee xarunta gobolka Qoraxey.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*