| | 235 views

Booliska Indonesia oo toogtay rag weeraray saldhig Boolis

Booliska Jasiiradda Sumatra ee Dalka Indonesia ayaa xaqiijiyay in ay dileen afar ka mid ah shan Nin oo weerar ku qaaday saldhigga ugu weyn Booliska ee Jasiiradda.

Gaari ay wateen shanta Nin aya galay Saldhigga,waxaana ay Boolisku billaabeen toogashada,waxaa halkaas ku dhintay afar ka mid ah shan Nin oo weerar ku qaadday Saldhigga” ayuu yiri Setyo Wasisto oo ah Afhayeenka Booliska Sumatra.

Sarkaal ka mid ah Booliska ayaa dhintay kaddib markii Ninka 5aad oo Gaari ku baxsanaya uu gaariga ku dhuftay,waxaa kale oo dhaawacmay Wariye isaguna goobta war u tagay,waxaana jiiray Gaariga Ninka baxsadka ah.

Setyo Wasisto,ayaa sheegay in Ninkii baxsadka ahaana la soo xiray islamarkaana uu hadda ku jiro saldhigga Booliska ee Pekanbaru.

Weerarka saaka oo Arboco ah ka dhacay Jasiiradda Sumatra waxaa uu yimid kaddib markii todobaadkan labo weerar lagu qaaday Kaniisado iyo Saldhig Boolis oo ku yaalla Magaalada 2aad ee ugu Weyn Indonesia ee Surabaya.

Dowladda Indonesia ayaa sheegtay in labadii weerar ee ka dhacay Magaalada Surabaya ay ku dhinteen 24 Qof,weerarradaas waxaa fuliyay Labo Qoys,qoyska 1aad o ka boobnaa Hooyo,Labo Gabdhood ayaa weeraray Kaniisad,Labo wiil oo isla qoyskaas ah ayaa weeraray kaniisad kale halka aabbaha reerka uu isku qarxiyay kaniisadda saddexaad daqiiqado gudahood.

Weerarka labaad waxaa fuliyay qoys ka kooban shan xubnood oo weerar ku qaaday Saldhig Boolis,waxaana ka badbaaday Gabar 8 jir ahayd.



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*