| | 873 views

Legend Siciid Qorsheel oo soo Dhaweyn Qiiro dhalisey u Sameeyey Laacibkii Qaranka iyo Horseed Maxamed Ismaaciil “Sitay”+Daawo

Ciyaaryahankii Hore Xulka Qaranka ahaana Captainkii kooxdii LL-PP Jeenyo qeybta Kubadda Koleyga ex-wasiir Siciid Jaamac Qorsheel ayaa Munaasabada aad u heer sareeysay oo So dhoweeyn ah u sameeyey Laacibkii hore Xulka kubadda Cagta iyo kooxdii Horseed Maxamed Ismaaciil Cali (Siteey) kaasi oo ay dalka ugu danbeeysay in ka badan 25-sanadood.

 

Munaasabadda Qado sharafta ahayd ayuu Siciid Qorsheel waxaa uu isugu yeeray guud ahaan Bahdii kala duwaneyd ee Sportiga,haddii ay ahaan      lahaayeen,Ciyaaryahano,Tababare,Maamul, garsoor iyo Taagerayaalba inta xiligaan Muqdisho ku sugan, kuwaa oo qaarkood ay isugu danbeeysay sanado, iyaga oo weliba ku sugan gudaha dalka, wejiyadoodana laga dheehan karey sida ay isugu hiloobeen oo ay isu marxabeynayeen.

Munaasabadda ayaa Koox Fanaaniin ay kusoo bandhigtay Heesihii dhinaca Ciyaaraha ee beri samaadkii la qaadi jirey iyo kuwo cusub,oo ay u riyaaqeen bahdii Munaasabaddaasi joogtay oo dib u xusuustay waayihii hore kahor burburki dowladdii dhexe.

Legend Siciid Jaamac Cali (Sicid Qorsheel) ayaa ugu horeeyntii ereyo Soo dhoweeyn ah,halkaasi ka jeediyey maadama isaga marti loo ahaa, wuxuuna xusey iney farxad weyn u tahay in markale ay Bahda Sportiga berisamaadkii isku arkaan hoygiisa,sidoo kalena soo dhoweyn u sameeyaan mid kamida laacibiintii ugu guulaha jecleyd dhanka Qaranka,

Qaar kamida kasoo qeybgalayaasha ayaa halkaasi kasoo jeediyey Qudbado xusuus iyo marxaladihii lasoo maray, iyadoo dhamaan dadkii hadley ay ka marqaati kaceen, in Bahda Sportiga mar waliba isaga xigaan bulshada intooda kale, mar walibana loo baahan yahay iney is Xiriiriyaan inta gudaha ku sugan iyo kuwa dibadda deegaansadeyba.

 

Legend Maxamed Ismaaciil oo Microphone-ka lagu soo dhoweeyey ayaa awoodi waayey inuu si xiriir ah u hadlo, isagoo ay ka muuqatay Qiiro iyo Farxad sababtay inuu Oohin Afka furto oo uu ilmeeyo, taasi oo guud ahaan bedeshay jawiga iyo dareenka kasoo qeybgalayaasha aan aniguba kamid ahaa.

“Wallaahi Uma ooynayo wax kale ee Farxadda ayaa iga badatay Ma Filaneyn Inaan la kulmi doono Intaan oo bahdii Sportiga Rag iyo Dumarba leh oo qaarkood 30-sano iigu danbeeysay, ha ila yaabina Runtii Maanta waxay iiga Farxad badan tahay Maalinkii aan Kooxda Horseed la qaadey Horyaalkeygii ugu horeeyey” ayuu yiri

 

“Wax kale kuma Nihin Walaalo, Waxaan nahay Hal Qoys,waxaan nahay Sports,Shaqo kuma lihin Siyaasad, Qabyaalad IWM,ogaada Xaqiiqdii Kuwa Qurbaha Jooga waxaa ka maqan Farxad sababtoo ah Ma helayaan Bulshadoodii Sportiga Tani waa Sababta aan fasaxeyga laabashada aan u kordhistey” ayuu isagoo Qireysan raaciyey.

Lama soo koobi karo Magacyada Ciyaartoydii Qeybaha Sportiga ciyaari jirtey ee Wiilal iyo hablo, taagerayaal,Garsoor iyo Macalimiin ee Munaasabaddaasi goob jooga u ahayd kuwaa oo Muuqaalkooda ka daawan karto Sawiradda hoose, waxayna dhamaantood si weyn ugu Mahad celiyeen Legend Siciid Jaamac Qorsheel oo ay ku tilmaameen Halyey Jecel isku keenista iyo soo ururinta Ciyaaryahanadii hore ee dalka, maadama aysan ahayn markii ugu horeeysay ee uu Isu keeno bahdii Sportiga ee berisamaadkii, waxayna ula bexeen naaneysta KULMIYE.

 

W/Q: C/Xafiid C/Samad Zaciimka

Email: zaciimka02@hotmail.com



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada