| | 385 views

Waddooyinka Quddus oo la suray calaamadaha safaaradda Mareykanka

Magaalada Quddus ee dhulka Reer Falastiin islamarkaana ay Israel xoogga ku heysato ayaa waxa ala suray waddooyinkeeda Calaamadaha Safaaradda Mareykanka ee loo wareejinayo magaaladaas.

Shaqaalaha dhejinayay Caalamadaha ama boorarka yaryar ee tilmaamaya halka ay safaaradda ku taal ayaa la arkayay iyaga oo boorarka suraya Koofurta Magaalada Quddus gaar ahaan halka ay hadda ku taallo Qunsiliyadda Mareykanka.

Todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in Safaaradda Mareykanka ee caasimadda Israel loo wareejiyo Magaalada Quddus iyada oo uu mareykanka Quddus u aqoonsaday Caasimadda Israel.

Boorarka la suray Waddooyinka Quddus ayaa lagu qoray Afafka Carabiga,Ingiriiska iyo Hebrew oo ay ku hadasho Israel.

14ka Bishan ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump in uu tago Magaalada Quddus si uu halkaas uga furo Safaaradda iyada oo ay dood badan ka taagan tahay arrintaas.

Trump ayaa December tii la soo dhaafay caasimadda Israel u aqoonsaday Quddus waxaana ay ka careysiisay dad badan oo Muslimiin ah.



Flag Counter

Archives

Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada