| | 434 views

Arsenal oo Guul ku Sagootisay Arsene Wenger, kana adkaatay Kooxda Burnley

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa guul weyn ka gaartay Kooxda Burnley ku sagootisay macallinkeeda Arsene Wenger oo kulankiisii ugu dambeeyey ka soo muuqday garoonka kooxdiisa.

Kulankan oo ka tirsan horyaalka Premier League ee ka dhacay garoonka Emirates ayey Gunners ku adkaaday 5-0.

Arsene Wenger Macallinka reer France ayaa si weyn loo maamuusay kulankan, maadaama uu yahay kulankii ugu dambeeyey ee Wenger uu kooxda ku hoggaamiyo garoonkeeda xilli uu shaqada Arsenal ka tagayo dhammaadka xilli ciyaareedkan 22-sano oo uu kooxdaasi Tababaraayay.

Arsenal ayaa la timid goolka koowaad ee ciyaarta waxaa u dhaliyey 14-daqiiqo Pierre-Emerick Aubameyang kaddib markii uu si fudud u dhammaystiray kubadda uu soo dhigay Lacazette Gunners ayaana ciyaarta ku hogaamisay 1-0.

Mar kale intii lagu guda jiray daqiiqadihii lagu daray ee waqti daayaca qeybta hore ee ciyaarta Arsenal ayaa la timid goolka labaad waxaana u dhaliyey caawiyaha goolkii koowaad ee Alexandre Lacazette, kaddib markii uu dhammaystiray kubbad uu ka helay Hector Bellerin.

Kulanka lagu sagootinayey macallin Wenger ayaana lagu kala nastay Gunners oo 2-0 ku hoggaaminaysay kooxda Burnley.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Sead Kolasinac ayaa 54’daqiiqo goolka saddexaad ee kulankan u dhaliyey Arsenal kaddib caawin uu ka helay Jack Wilshere, Gunners ayaana kulanka ku hoggaamisay 3-0.

Markale kooxda Arsenal ayaa 64’daqiiqo dhalisay goolka afaraad waxaana u dhaliyey Alex Iwobi, kaddib baas uu ka helay saaxiibkiisa Pierre-Emerick Aubameyang, waxaana uu kulanka ka dhigay 4-0.

Goolka shanaad ee Arsenal waxaa ku soo xiray 74’daqiiqo Pierre-Emerick Aubameyang, kaddib caawin uu sameeyey Hector Bellerin, Gunners ayaana guul weyn ku sagootisay macallinkeeda Arsene Wenger oo kulankiisii ugu dambeeyey garoonka kooxdiisa ka soo muuqday maanta.

Dhanka kale Kooxda Arsenal ayaa fadhisa kaalinta lixaad iyadoo leh 60-dhibcood, kaddib 36-kulan oo ay ciyaartay.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*