| | 501 views

Xildhibaan ID – Warqadda Aqoonsiga Xildhibaanada Qaar. (F S: 1aad).

MAGACA: Mudane, Xildhibaan, Masuul :XXXXXXX.

HOOYO: Isaga weydii.

KU DHASHAY: Meeshuu doono. SANADKII: 1900—2017 inta u dhaxeeysa.

SHAQADA: Xil + Dhib + Aan.

JECELYAHAY: warqadda D ee ninku ku sawiranyahay ($).

XAAS: leh xaas iyo ugu yaraan 4 saaxiibad ( girl-friends).

DEGAN: Bishii Hore Hotel XXXXX hadda lama oga.

KA HELO: Qado Hotel, Mooshin iyo Doorasho.

TEL: Leh ugu yaraan 4 Mobile.

AQOONTA: Heer Jaamacad aan la aqoon halka ay ku taal.

BALWADA : Ugu yaraan Qaad.

JINSIYADA: Tan Labaad Somali.

XAALADDA CAAFIMAAD: Is moogeysiis, daal ka dhashay shaqa la’aan, Maqana Joogo.

CIBAADADA: Isaga iyo ka Allahiis, Salaad madar ciidaha ,iyo Jimcaha waan ku aragnaa.

MABDA’: Maxaan ka helaa.

ILAALADIIDA: Allaah, Qaraabo, Xasaanad, iyo Isku haleeyn Ajnabi,Dowladaasaa i wadata.

MUUQAALKA: Ma dhar xuma, inta kale is weeydii adiguba ( F S : 2aad).

KOOXDA :ka tirsan kooxda xildhibaanada Mushakal isa salaama ee aan iyagubu dhaxdooda is aqoon ( F S:3aad)

QORSHAHA MUSTAQBALKA: Halka uu la aado Horjoogahoodu (F S:4aad).

CODBIXINTA: waa la wada joogaa, waana kala madab, ninba wixii loo soo sheegay Aaminsanyahay .(F S:5aad).

WAQTIGA SHAQADA: Inta uu la egyahay borogramka lagu shubay. ( F S:6aad).

FG: Akhristoow, Inta kale adigaan kuu dhaafay, wixii iga khaldan iga sax, xildhibaanoow Adiguna raali noqo, Xaalna qaado.

Qore: Yahya Amir



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*