| | 384 views

Ciyaartii u dhaxeysay Xulalka 17-jirada ee Soomaaliya iyo Tanzania oo loo hakiyay Roobab ka da’aya Garoonka lagu ciyaarayo.

Wararkii ugu dambeeyay ee Ciyaartii u dhaxeysay Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17-ka sano kama dambaysta ah ee koobka CECAFA U17 ee ka socda Burundi, ayaa la hakiyay.

Ciyaarta muddo yar ayaa la hakiyay, kadib markii halkaasi ka dhaceen Roobab xooggan, waxaa la bilaabay in laga xaaqo biyaha Garoonka.

Waxaana lagu wadaa in Garoonka dib looga bilaabo Ciyaarta, iyadoo labada Xul ee Tanzania iyo Soomaaliya ay maanta ciyaarayaan kama dambaysta Ciyaarta ee koobka CECAFA U17 ee ka socda Burundi.

Dhanka kale Ciyaarta oo socotay muddo 10-Daqiiqo ayay Ciyaartoyda Soomaaliya soo bandhigeen Ciyaar wanaagsan, iyagoo helay laba Fursadood, islamarkaana waxaa laga diiday Rigoore ay heleen Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya , ciyaarta ayaa goordhow Bilaabanaysa.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*