| | 612 views

Somalida ma waxaa loo tumaa, maxaad ugu fekerteen midnimo aan weli la gaarin = NASASHADA JIMCAHA . Q-93 aad.=

1-Wiil yar ayaa habeen barkii hurdadii ka soo booday isaga oo qaylinaya. Aabihii ayaa ku yirii: Maxaa kugu dhacay? . willkii ayaa ku yiri: Aabe waxaan ku riyooday aniga oo Musmaar Lugta iga muday. Aabihii ayaa Suun soo qaatay wiilkiina ku garaacay. Hooyadii ayaa ku tiri: Maxaad u garaacee ilmahan yar? . Aabihii ayaa ku yiri: ha iska riyoodo ma xumee, marka hore , Muxuu u seexday Kaba la’aan. Fiiri Sawirka 1aad.

( Somalida ma waxaa loo tumaa, maxaad ugu fekerteen midnimo aan weli la gaarin).

2- Wiil kubbad soo ciyaaray ayaa isaga oo haraadsan soo hor maray Guri ey deganeyd gabar uu jeeclaa, Laakin Nin Qurbaha ka yimid uu ka aroosay. Gabdhii oo guriga hortiisa dhar ku dhaqeysa, ayuu ku yiri: Biyo aan cabo i sii?. Intii ay biyihii ugu maqneed, ayuu biyihii wasaqda ahaa ee Baafka ku Jiray uga dhax jeeday Kastuumadii iyo gorgoradii Gabadha ,kadibna waxa uu cabay biyihii wasaqda ahaa.

Gabadhii ayaa aragtay wiilkii oo Biyihii Wasaqda ahaa Cabaya, kuna qaylisay iyada oo leh waryaa ,maxaad u cabee biyaha wasaqda ah?. Wiilkii ayaa ku yiri: Macaanto , Haddii Hilibka la ii diiday, Maraqiisana Ma ley Diidayaa?. Fiiri Sawirka 2aad.

3-Nin reer baadiyo ah ayaa masjid soo galay, nin sheekh ah ayuu salaadii ku xirtay, shiikhiina salaadii ayuu dheereeyay. Markii uu salaada dhameystay ayuu sheekhu xanaaq ka dareemay ninkii reer baadiyaha ahaa. Shiikhii ayaa yiri: Salaadda miyaan khalday. Reer baadiyihii ayaa yiri: Maya ee annigaa khaldamay ,markaan salaadda kugu xirtay.

(Xildhibaan ayaa xaaskiisii oo dibadda jirta aaday, isga oo la ballansanaa Nabadoonkii soo doortay, markuu soo noqday ayuu arkay odaygii oo caro ka muuqato. Wuxuu ku yiri: Ma khalad ayaan sameeyay?. Nabadoonkii ayaa ku yiri: maya anigaa khaldamay markaan lacag kugu doortay oo aan ka tagay Faaraxa deriskeeyga ah oo maalin kasta aan wada joogno).

4-Mid doqon ah oo rabay in walaalkii uu ka disho xoola dhaxal ah. Ayaa walaalkii oo hurda qoorta ka gooyay. inta uu qoslay ayuu yiri: iga wallo marka uu soo tooso ee uu arko madaxiisii oo halkaa yaal, qosolka uu qoslo waa la yaabi doonaa.

(Dhuuso ayaa la yiri: maxaad la uree ?. waxa ay tiri: Xaar ayaan ka digayaa..walee Doqonnimada ka muuqata madaxdeena Rag & Dumar is wada luga jarayo ee haddana iska qoslaya isna wada Salaamaya, waxa ay soo wadaan kala tag somaliyeed). Fiiri sawirka 3aad.

5- Barigii Xamar Qabuurha la kala xoogi jiray ayaa Nin Marqaansan Qabri looga tagay oo lagu yiri: inta maydka aan ka keeneyno sii ilaali , marqaankii inta dhaxamooday ayuu godkii sii galay. Isaga oo Qabrigii ku dhaxqayilaya ayaa waxaa u yimid oday dadkii ka soo hor maray, markaa ayuu xabaashii fiiriyay.

Ninkii Marqansana ayaa ku yiri: war ninyahoow waad soo daahday,ee sadax su’aal oo i wareerisay ayaan ku weydiiyo. Horta Qaad dayn ah oo la cuntu dambi miyaa?, Salaadii Casir mala gaaray?. Maxaad u soo daadeen?. Odaygii ayaa intuu naxay ku yiri: Malagoow ,kan dhintay aniga ma ahan , kaa waa la soo wadaa.

( Somaliyey Ceel waa noo qodanyahay biyana waa leeyahay ee cidaan ceelka uga taganeyno aan iska hubino,haddii kale su’aalo badan oo aan ka naxno ayaan is weydiin doonaa).

6-Naag ayaa Sheekh ka wacaday khadka Telefonka Kuna Tiri: Sheekhoow Gurigeyga Baranbaro, Dooli, Quraansho iyo cayayaan badan ayaa meel laga istaago la la’yahay , waa cadahay in ley sixray ama ley ileeysatay, ee maxaan sameeyaa?.

Sheekhii ayaa ku yiri: Taasi waxa ay daliil u tahay Areebanimadaada iyo baalinimadaada ee guriga iska nadiifi, khadkana iiga bax.

( Aamino fasaqatooy, ayaa ka fasaqatay oo iska furtay ninkeedii Xuseen Qoslaaye oo Afar bilood oo kaliya qabay, kadibna waxaa aroosay Maxamuud Qurbo. Maxamud ayaa dareemay bil kadib in ay Aamino damacsan tahay in ay iska furto. waxa uu khadka ka wacay sheekh Macaani oo ah kitaab gaabloow caan ah. Waxa uuna u sheegay arrintii. Sheekhii ayaa yiri: waxaa jira kitaab la yiraa , “Kitaabul fasqi bi sowjati waa nashuushaati” oo uu qoray wadaad Reer Marooko ah, oo la yiraa sheekh Bin Rajci sawaaj. kitaabkaa waa la xaday, waxaana hore u ansixiyay 800 culumo dhan, waxaana ku qoran in naag magaceeda Aamina la yiraa ayna Fasaqmi Karin 5 bilood ka yar.

Sheekh Macaani ayaa kitaabkii qaybiyay, Culumadii ayuuna qoorta isku galiyay. Mid Culumadii ka mid ah ayaa yiri: Haddii kitaabkaasu sax yahay, oo Aamino ayna ku fasaqmeyn 5 bilood ka yar, ninkeedii hore ee Xuseen Qoslaaye ayaa hal bil u dhineed, nikaaxa dambena waxaa uu galayaa, Baabul Baadil, Juska faslu nikaaxul Fasqi oo dib loo celinayo).

Ar culumada kala qabta, kitaabka la xaday ee Sh. Macaani soo helayna, Adiga lee waaye!!!!!.

FG: Waxaan u mahadcelinayaa: Ugaas ciise,ugaaska dhalinyarada Barriga Afrika ,oo caanihii lagu caleema saari lahaa diyaarsaday, ugaaska oo aan wax badan caawa ka soo xigtay. Fiiri sawirka 4aad.

Qore: Yahya Amir.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*