| | 675 views

Maxay dowlada federalka ah ka qaban-kartaa arintaan?

Aad baan uga xumaaday maanta markaan arkay hoggaamiye maamul goboleed oo wixii Soomaali si hoose uga wada hadli lahayd ka dhex sheegaya dal aan xiriirka isu goynay, isagoo u muujinaya walaaltinimo iyo kalgacayl. Kaaga sii darane isuguna uu qayb ka yahay awood qaybsiga Soomaaliya. Waxaa runtii musiibo ah in abdiwali gaas iyo ahmed madoobe ay maanta joogaan imaaraatka, halkaas oo La sheegay in lagasoo abuubulayo qorshooyin waa wayn oo loogaso horjeedo Dowlada federalka ah ee Soomaliya.

Kala fakir-duwananshaha siyaasada waa mid caadi ah, balse wax Loo dulqaadan karo maha in Imaraatka oo duulaan ku ah soomaliya loo kala dhuunto. Nimnkan maloodiidi kara in aay dalka soogalan?

Suaasha iswaydiinta mudan ayaa waxay tahay, Maxay dowlada federalka ah ka qaban-kartaa arintaan? Madama ay soomaliya hada gacanta ku hayso maamulka diyaarada soomaliya soo gala iyo kuwa kabaxaba.

Sidee ayayse shacabka rer puntaland iyo jubbaland ugu kalsoonan karaan labadaan hor-jooge?



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*