| | 493 views

Falanqeynta : Maxaa la gudboon madaxda aaminsan Qatar ayaa ka wanaagsen imaaraadka.?

Hadalka uu jeediyey madaxweyne Gaas waa hadal run ah. Muqdisho soomaaliya oo dhan maaha & Soomaaliyana moqdisho maaha.

Waa inaan is waydiinaa yaa soomaalida ku daray inay yihiin Argagixisada caalamka?

Maxaa keenay in dadka kaliya ee ku jira ururka jaamacada carabta ee dalkiisa lagu abuuray kooxo muslimiin ah oo laynaya shacabkooda. Wadankaa oo ah soomaaliya.

Waxaa wanaagsen in madaxtooyadu soomaaliya iska ilaaliso Dawlada Qadar ayaa ka wanaagsen. Dawlada imaaraadka.
Arinkan wuxuu keenayaa bur bur siyasadeed, mana aha maslaxd ka timid Caqli wanaagsen.

Marna ha isku dayin inaad kala jeclaato madaxeyne Farmaajo iyo madaxweyne Gaas labaduba caruur ay dhaleen soomaaliya kuma nool waa rag dadtooda difaacanaya oo maanta isku haysta lacag ay Qatar bixisay iyo mid imaaraadku bixiyey.

Markaa dawlanimadu hadey tahay waxjasta ha laboobo arinkaa hore ayaa loogu Fashilmay.

Afxumo dadka ayey kugu dirtaa nin dantiisa wata ha ku difaacin gardaro!

Soomaaliya inkaar ayaa ku dhacdey hadey dawladaha khaliifka wax ka sugayaan. Waa xaqiiqda jirta .

Waxaa ceeba nin xil sare ka qabtay dalka oo u dhaartay inuu daacad u yahay inuu hadana harag daamiyo dalkiisa kuna bedesho xoolo

Dhaqankaa ayaa ka muuqda madaxda soomaaliyeed arinkan wax la qarinkaro maaha
Xalku wuxuu ku jiraa in madaxda soomaalida runta loo sheego. Qofkasta khaladkiisa walaalkii u sheego iyo kan ay isku reerka yihiin si dib u heshiisiin wanaagsen loogaro.

Qore danjire Maxamed Caalim.

 



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*