| | 874 views

Dowladda Soomaaliya oo laashay heshiis ay la gashay shirkadda SKA ee Imaaraadka laga leeyahay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war culus ka soo saartay heshiis horay u dhex maray Wasiirka Gaashaandhigga iyo madaxda shirkadda SKA International ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, waxaana qoraalka lagu xusay in heshiiskaasi aanu waafaqsaneyn habraaca dowliga ah ee ay dejisay Dowladda Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Sii hayaha ahna Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle laga soo xigtay in heshiiskaasi uu yahay mid waxba kama jiraan ah.

Warka ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa yimid kaddib markii idaacadda VOA-da ay bannaanka soo dhigtay qodobada lagu heshiiyay isla markaana ay ka wareysatay Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale, Taliyaha ciidamada Jan. Gorod, iyadoo heshiiska lalaalay uu u muuqdo mid ay dowladdu ku soo baraarugtay goor dambe.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*