| | 642 views

Wararkii ugu dambeeyay Iska hor imaadka ka dhacay Xerada Jen. Gordon

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya iska hor imaad maanta duhurkii ka dhacay Xerada Jen. Gordon ee degmada Hodan, halkaasoo aheyd xarun uu Imaaraadka ku tababari jiray Ciidamada oo uu dhowaan ka guuray.

Iska hor imaadka ayaa markii hore ka dhashay muran la xiriiray hub iyo gaadiid ku jiray gudaha xerada oo la doonayay in lagala baxo.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka uu markii hore ka dhacay gudaha xerada, kaddib markii Ciidamada uu tababaray Imaaraadka ay ka hortageen isku day la doonayay in gaadiid iyo hub lagala baxo xerada.

Wararka qaar ayaa sheegaya inay jiraan hub lagala baxay bakhaarada keydka hubka oo la jabsaday, lama oga inta uu gaarsiisan yahay hubka laga qaatay xerada.

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo ka baxay Xerada Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa gaaray xerada Jen. Gordon, kuwaasoo isku hareereeyay xerada iyo agagaarkeeda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ay ku lug leeyihiin isku dayga la doonayay in xerada lagala baxo Hub iyo gaadiidka dagaalka.

Xaalada ayaa iminka caadi ku soo laabatay, waxaana la wareegay ammaanka hareeraha Xerada ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga oo ah ciidanka loo yaqaano Koofiyo Gaduud.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska hor imaadka, waxaana uu saameeyay xaafado dhowr ah sida aagga Warshada Caanaha, Kulliyadii Jaalle Siyaad iyo xaafado kale.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska ciidanka xoogga dalka oo ku aadan iska hor imaadkan ka dhacay xerada, waxaana dhacdadan ay imaaneysa, maalin kaddib markii taliska Xoogga uu shaaca ka qaaday inuu la wareegay xerada iyo qalabkii yiil, waxaana ciidankii xerada degenaa loogu magac daray Guutada Daljir.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*