| | 450 views

Jen. Muhoozi : “weerar aan qaadno iska daaye Ciidankeenna xarumahooda ayey difaacan la’yihiin”

Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda  David Muhoozi,ayaa sheegay in Ciidanka Uganda ee jooga Soomaaliya ay naftooda Qatar ku jirto.

Waxaa uu wareysi uu siiyay Wargeyska Daily Monitor ku sheegay in Ciidamada Uganda ay iska dhaaf weerar ay qaadaane ay saldhigyadoodii ka difaacan layihiin cadowga sida uu yiri.

Waxaa uu arrintaas sabab uga dhigay sahayda iyo saadka Ciidanka Uganda ee AMISOM oo aan ku filneyn iyo mararka qaar in aysan heysan Ciidan Soomaali ah oo dhulka ay qabtaan ku sima.

Waxaa uu wareysiga ku sheegay in uu ka walaacsan yahay sida ay ku nabad geli doonaan degaannada ay horay ugala wareegeen Al-shabaab oo hadda Qatar ku jira sida uu yiri.

David Muhoozi,ayaa sheegay in Waddamada taageera Howlgalka AMISOM ay ka gaabiyeen in ay bixiyaan qarashaadka Ciidamada kubaxaya,Ciidanka Uganda ee Soomaaliya joogana ay rajo beel ku dhowyihiin.

Taliyaha ayaa sheegay in kulan dib u eegis howlgalka AMISOM ah oo ay dhawaan yeesheen waddamada Ciidamada ku yaboohay Soomaaliya ay ujeedadiisu ahayd in arrintan wax laga qabto laakiin aysan u muuqan.

Walaaca xilli hore

Shir heerkiisu sarreyo oo ay ka qeybgaleen Madaxweynayaasha Waddamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya aya aka dhaxay Kampala Bishii February,Uganda wasiirkeeda arrimaha dibadda oo shirkaas furay ayaa ku sheegay in farsamada iyo qarash la’aanta howlgalka AMISOM ay walaac cusub ku heyso howlgalka.

Shirkaas waxaa Bishii Septembere ee 2017 ku dhawaaqay Madaxweynaha Uganda Museveni,xilligaas waxaa uu sheegay in 5,000 Askari oo dheeraad ah uu u dirayo Uganda haddii uu helo sahayda iyo agabka ay ku howlgalayaan.

Isla September Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa meel mariyay qaraar hadalkaas ka soo horjeeda oo faraya in la billaabo qorshaha ka bixidda Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya iyo in si tartiib tariib ah ciidanka loo saaro,iyada oo kuwa Soomaaliya lagu wareejinayo amniga dalka.

Taliyaha Ciidanka AMISOM waxaa uu wareysigiisa ku sheegay in Ciidanka Soomaaliya aysan xitaa heysan Karin magaalo ay qabteen Ciidanka AMISOM,waxaana uu taas lafteeda ku sheegay in ay qeyb ka tahay niyad xumada ka heysata howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Mar la weydiiyahy in Ciidanka Uganda ay ka quusteen Soomaaliya waxaa uu yiri: “waxaa kala badan waxa aan rabno in aan sameynayo iyo waxa aan heysano,tusaale marka Ciidanka AMISOM ay magaalo qabsadaan,ma u gudbi karaan mid kale sababta oo ah midda ay qabsadeen amaankeeda ma sugna,mana jirto cid lagu halleyn karo”.

Qataraha

Mar uu ka hadlayay qatarta u gaarka ah Ciidanka AMISOM waxaaa uu yiri : “waxaad u baahan tahay in aad sahay qaadato,waxaana kuu furan in aad dhulka marto,Cadowga waxaa ay heystaan waxyaabaha Qarxa oo waddada la gelinayo,waxaa kiu bur bura Gaadiidka maalinkastana askar ayaa ku dhimata, waxaan raadineynaa xeelad kale oo aan uga maarmi karno khasaaraha faraha badan”.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka AMISOM ay bed qab ku helayaan marka sahaydooda loo marsiiyo cirka,sidaas ayuu sheegay in ay tayo ku yeelan karaan,waxaa uu sidoo kale ku daray in loo raaciyo diyaaradaha dagaalka ee Helicopters-ka iyo bixinta mushaaraadka AMISOM oo joogto noqda.

Isha: Daily Monitor



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*