| | 693 views

Xildhibaan Beenebeene: “waan ka feejigannahay Guddoomiye Sibiq nagu soo gala”

Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa muujiyay wal walka uu ka qabo in doorashada Guddoonka Golaha shacabka ay sameyn ku leedahay laanta fulinta ee  Xukuumadda Soomaaliya.
Xildhibaanku waxaa uu sheegay in Guddoomiyihii hore ee Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Sh.Cismaan Jawaari uu ku baxay cadaadis Xukuumadda uga yimid goalaha shacabka sidaas darteedna uusan meesha ka saareyn in xukuumadda ay ku lug leedahay doorashada hadda la filayo.

Xildhibaanku waxaa uu sheegay in hadda ay aad uga feejiganyihiin Guddoomiye Xukuumadda u janjeera ama si fudud ku joqda guddoomiyaha Golaha shacabka.

Waxaa uu xusay in ay ka fiirsanayaan Guddoomiyaha ay dooranayaan ayna ku kalsoonyihiin in ay doortaan Guddoomiye karti u leh kana madaxbanaan faragelinta Xukuumadda Soomaaliya.
Guddiga doorashada Guddoonka Golaha shacabka ayaa shalay gelinkii dambe doortay Guddoomiye ku xigeen iyo xoghaye,waxaana la filayaa in ay dhawaan shaaciyaan Jadwalka doorashada Guddoonka Golaha shacabka Soomaaliya.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*