| | 270 views

MAXAA ISKU XIRAY SIYAASAD IYO ISBITAAL?

Isbitaalka Sheikh Zayed ee Mogadishu Soomaaliya (Sheikh Zayed Hospital ) wuxuu ahaa heshiis kaalmo ay dowladda Ematariga iyo dowlada Soomaaliyeed ay wada galeen, dowladda Emaratiga waxay ugu deeqday dadka iyo dalka Soomaaliyeed Hosbitaal lagu daaweeyo maalintii ilaa 300 bukaan kaasoo leh sariiro 260 lagu dabiibo bukaanka aan socodka ahayn. Waxaa kaloo uu heshiiskaas qoraayay in wax lagac ah aan laga qaadin dadka xanuunsan ee aan dhaqaalaha lahayn.

Hadaba waxaa cajjin ah in dowladda Emaratig ay irdaha u xirto isbitaalkii, ka dib markii siyaasada Soomaaliya ay wax iska badaleen, waxaan ognahay arinkaan in ayka baxsan tahay bani-aadanimadda iyo islaanimadaba, waxay kaloo sharaf daro u tahay in Dowlada Emaratiga dadka Soomaaliyeedna waxay tusi kartaa runtii siyaasad xumada iyo arxan darada ay dadkaasi muujiyeen maanta.

Xirintaanka Isbitaalka waa mid ka baxsan bani-aadanimada, islaanimadda, meelna ay uga dhacday xiriirkii soo jireenka ahaa ee labada dal ka dhaxeeyay, waxaan arinkaan qiraysaa in siyaasadooda aysan lahayn hafad dheer, waxaana siyaasadooda ka muuqda waayo aragnimo xumo, waxay kaloo ku qasaateen inay helaan la taliyayaal fiican waxay soo dhaweeysteen kuwa aan aqli fiican lahayn oo jeebkooda kaliya ka fikiro. Arintaan waxay cee ku tahay dowlada Emaratiga waa wax aan horey uga dhicin aduunka diinkastoo ay leeyihiin, hadeeyba arinkaan ka suurto gashay maxaan kaloo ka filan karnaa?

Waxaan talo ugu soo jeedinayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed inay dowladnimadooda xoojistaan si looga maarmo gar-gaar shisheeye iyo gacan hoorsiga waayo waxaa hubaal ah inaan ka maarano sharaf darada maalinkasta magaceena loo geeysanaayo, Soomaalida waxay ku maah-maahdaa ” Biyo sacabahaagaa looga dhergaa” Abudhabi, kuwii dan ka lahaa taa taas maanta.

Ma Erdagon baa sameyn lahaa waxaas oo kale?

skeekh Nur Abukar Qaasim



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*