| | 327 views

Shaqaalaha ka shaqeeya Isbitaal ay gacanta ku heyso Imaaraadka oo farriin shaqo joojin ah loo diray

Shaqaalaha ka shaqeeya Isbitaal ku dhexyaalla Xerada Tababarka Ciidanka ee Jeneraal Gordon ayaa waxaa ay sheegeen in loo diray farriin ah in shaqada Isbitaalka ay joogsatay islamarkaana wixii warbixin dambe ah dib laga soo siinayo.

Mid ka mid ah shaqaalaha Isbitaalka ku yaalla Xerada Jeneral Gordon ayaa u sheegay warbaahinta in farriinta loogu sheegay in ay shaqada joogsatay mushaarkooda bishanna loo dirayo.

Waxaa kale oo uu qofkaasi sheegay in Farriinta loo diray intaas ku dartay in haddii shaqada ay sii soconeyso iyo haddii ay toos u joogsatayba ay dib uga soo sheegi doonaan Maamulka Isbitaalka.

Shaqaalaha ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay cadaadis badan ku heyso Saraakiisha Imaaraadka ee ka howlgala Saldhigga iyo kuwa Imaaraadka ah ee gacanta ku haya Isbitaalka.

Isbitaalkan ayaa lagu daweeyaa Saraakiisha iyo Ciidamada dowladda Soomaaliya ee dhaawacyada ay ka soo gaaraan howlgallada ka dhanka ah Al-shabab.

Waxaa ay sheegeen in Saraakiisha u dhashay Imaaraadka marka ay ka soo degayaan garoonka Aadan Cadde iyo marka ay baxayaan aad loo dhibo iyaga oo intaas ku daray in qaarkood jir dil loo geystay.

Qofka ka mid ah Shaqaalaha ee nala hadlay ayaa sheegay in ay ka dhur sugayaan waxa ka soo baxa wadahadalka hadda socda iyaga oo farriinta xalay loo diray u muuqatay mid halkaas ku hakisay shaqadoodii.



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*