| | 256 views

Dagaalka Qarqaryo (The Colder Ear) (QEYBTII 18AAD)

Waxaan bartanka ugu jirnaa falanqeynta taariikhda faca weyn ee boqortooyadii Ajuuraan ee ka arimin jirtay Geeska Afrika. Qeybtaan waxaan xoogga saareynaa habkeey dawladda Ajuuraan u dhaadhaicisay una baahisay dawladnimada, waxqabadkii dawladda iyo ganacsigii ey la laheyd wadamada shisheeye.

Qoyska hogaanka u hayay boqortooyadii Ajuuraan ee loo yaqaan reer Gareen waxay ahaayeen qoys hiraal fog leh. Si ey boqortooyada usii jirto waxay baahiyeen xukunkooda iyagoo u dhaadhaiyay ilaa miyiga. Adeegyadii ey miyiga ka fuliyeen si ey u kasbadaan quluubta beeralayda, xoola-dhaqata Soomaaliyeed iyo dadka Oromadaba waxaa kamid ah iney ka qodeey ceelal weyn dhammaan miyiga Soomaaliya oo ilaa iminka ey xoola dhaqatadu ku manaafacaadsadaan.

Ceelasha waxaa gacanta ku hayay oo maamulayay xukuumadda Ajuuraan, haddii isku dhac bulsho uu dhaco dadka waxaa lagu wargeliyay iney dacwadooda geeyaan maxkamadda xukuumadda ee eysan u kala garnaqsin gar beeleed. arinkaanina wuxuu muujineyaa in boqortooyadu ku dadaaleysay iney shacabka barto dawladnimada iyo hogaansanka xukuumadda kana rarto nidaamka qabiiliga.

Waxay xukuumadda dhistay shabakado ganacsi oo dhulka ah oo dadka Soomaaliyeed ey badeecadooda si nabad ah ugu geeyaan Afrika oo idil. Sida uu kusoo warramay Lee V. Cassanelli (1982) buugiisa ‘The Shaping of Somali Society: Reconstructing the History of a Pastoral People, 1600–1900’ dawladda ajuuraan waxay ganacsatada Soomaaliyeed siin jirtay dammaanad in badeecadooda ey tageyso meeshey rabaan iyadoo dawladduu damaanad qaadeysay nabadgelyadooda. Dawladda Ajuuraan waxay diyaarin jirtay kolonyo badan oo awr iyo gaari-dameero u badan halkaas oo ey ku daabuli jirtay badeecada ganacsatada Soomaaliyeed.

Cassanelli, wuxuu xusay in ilaa maanta laga helayo dhulka Soomaalida ilaa Geeska Afrika degmooyin ey kolonyadaasi jid u aheyd oo raadakii ganacsi laga arki karo. Dhanka kale, beeraleyda deganaa hareeraha webiyada Shebeele iyo Jubba gaar ahaan magaalooyinka Afgooye iyo Baardheere iyagoo ka faa’iideysanaya damaanadda dawladda u fidisay dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed ayeey waxay kordhiyeen wax soo saarka dalaga beerahooda.

Dawlaadda waxay webiyada ku rakibtay qasabado waa weyn oo biyaha si toos ah u geynayay beeraha ey ka baxaan, masagada, qamadiga, galleyda, suufka, digirta, sisinta, khudradda iyo fawaakihda, xilliyada guga iyo xagaagaba. Qasabadaha waxaa kaabinayay shabakad biya-xireeno iyo biyo-wiifis dabiici ah oo aan koronto u baahneyn, laakiin xoogga biya-dhaca uu sababayay inuu duulimaad ku gaaro meeshii loogu talagalay. Si loo kala xadeeyo dhul beereedka beeralayda, waxay dawladdu beer walba ku wareejisay geedaha mooska. Dhanka kale, si muwaadiniinta ey u helaan adeegyada dawladda, dawladdu waxay beeralayda ka qaadi jirtay canshuur oo ey ku bixin jireen xoogaa kamid ah dalaga beerahooda sida; bunka, galleyda, masagada, digirta ama qamadiga. Sidoo kale, xoola-dhaqatada waxaa iyagana laga qaadi jiray canshuur oo ey ka bixin jireen xoolahooda, taa bedelkeedana waxay heli jireen in dawladdu damaano qaaday nabadgelyadooda.

Dhanka siyaasadda gudaha, qoyska reer Gareen ee hogaanka u hayay boqortooyada waxay xiriiro wanaagsan la lahaayeen dhammaan qabaa’ilada Soomaaliyeed. Si xukunkoodu u badbaado calankooduna uusan u dhicin, qoyska Gareen waxay ka guursadeen dhammaan qabaa’ilada Soomaaliyeed, maadaama soomaalidu aad u ixtiraami jirtay xididnimada. Sida uu kusoo warramayo qoraaga Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Ismail Mohamed Ali (1970) buugiisa ‘Somalia Today: General Information. Ministry of Information and National Guidance, Somali Democratic Republic’ boqortooyadii Ajuuraan waxay laheyd lacag u gooni ah oo loo yiqiin, ‘Ajuran Currency’ lacagtii Ajuuraan, sidoo kale waxaa loo yiqiin lacagtii Muqdisho.

Waxay aheyd shilimaad yar yar oo ka sameysan dahab, qalin iyo maar oo si qurux badan loo xardhay [fadlan muuqaalada hoose ka eeg]. Bruce Stanley, (2007) buugiisa ‘In Dumper, Michael; Stanley, Bruce E. Cities of the Middle East and North Africa: A Historical Encyclopedia. ABC-CLIO’ wuxuu kusoo tabiyay in lacagtaas ey cusuurtii dhexe ka shaqeyn jirtay dhammaan dunida horumartay, ilaa imminkana ey taal oo laga helayo matxafyada dunida gaar ahaan Imaaraadka Carabta, arinkaana waxaa ku waafaqay qoraaga reer Ingiriis ee lagu magacaabo Neville H. Chittick (1976) buugiisa ‘An Archaeological Reconnaissance in the Horn: The British-Somali Expedition, 1975. British Institute in Eastern Africa’.

Cusuurtii dhexe dawladba dawladdeey ka xeeb dheertahay wey ka fursado badneyd. Boqortooyadii Ajuuraan iyagoo ka faa’iideysanaya xeebta dheer ee Eebe ku mannaeystay dalkeena ayaa waxay dardar gelisay iney si xoog leh u maalgashato magaalo-xeebeedyada Soomaaliya sida; Marka, Baraawe, Kismaayo, Hobyo iyo Muqdisho. Magaalooyinkaas waxay dawladda ka sameysay dekado macmil ah si ey uga dhoofiso badeecadaha iyo wax soo saarka muwaadiniinta Soomaaliyeed. Beeralayda Soomaaliyeed waxay badecadahooda geyn jireen furdadahaas si ey halkaas uga dhoofsadaan, sidoo kale xoola-dhaqatada xoolahooda halkaas ayeey ka dhoofin jireen.

Qoraayaasha la kala yiraahdo John Donnelly Fage iyo Roland Anthony Oliver waxay jariirada lagu magacaabo ‘Journal of African History’ ee ka faaloota taariikhda Afrika ku qoreen in badeecada Soomaaliya laga qaado oo isugu jiray dalaga beeraha, dhar tayadoodu ey aad u sareyso oo Soomaaliya lagu sameeyay iyo xoolahala nool loo iib geyn jiray dalalka; wadamada Carabta, Beershiya, Hindiya, Masar, Boortaqiiska iyo magaalada Venice ee dalka Talyaaniga oo xilligaas aheyd meesha ugu dhaqdhaaq badneyd Yurubta Galbeed. Waxay kaloo badeecadaha Soomaaliya xilligaas gaari jireen jasiiradaha loo yiqiin ‘Java islands’ oo maantana loo yaqaan Indooniisiya iyo Maleyshiya, sidoo kale waxay badeecadahaan gari jireen Shiinaha.

Wadamadaas oo dhan waxay sabuun u ahaayeen badeecadda ka timaadda Soomaaliya oo ey si sabra ku jiro u dhowri jireen. Sahamiyihii reer Andalus ee lagu magacabi jiray Ibnu Saciid Al-maqrabi ee noolaa xilliyadii u dhexeysay (1213-1286 C.D.) safarkiisii magaalada Muqdisho wuxuu ka yiri; magaalada waxay aheyd magaalada ugu weyn Afrika oo idil xilligaas, waxayna ku jirtay magaalooyinka Islaamka kuwooda ugu horumarsan.

Boqortooyadii Ajuuraan waxay quluubta shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadyowga Geeska guud ahaan ku hantiday iyadoo sugtay ammaankooda. Dawlad aan sugi karin ammaanka muwaadiniinteeda dawlad ma’aha. Waxaan qeybtaan kusoo gunaanadayaa maansadii NABAD WAA CAANO ee uu tiriyay abwaan Negeeye Xirsi.

Nabad baa Macaanoo janna ah Naallo iyo Khayre
Waa Naruuro Lagu doogsadoo Naas la nuuga lehe
Nimco iyo barwaaqiyo Udgoon waa Naq aan go’ine
Naamuuska doogiyo iftiin Nuurka iyo Kaaha
Najam iyo Shamsada weeye iyo Nalal siraataaye 
Nasteexada Aduunyadda jirtiyo Naafac iyo Quudka
Naxariista Roobkiyo Cirkoo Nurar Hilaacaaya
Ama Xoolohoo Najoxoo lagu Nagaanaayo
kun sifaale haddii aan naqoo kumana soo niibsho
Waa wax aan Niyadi sheegi karin Nooca ay tahaye
Nolol Weeye uu Eebbeheen Nooga dhigay tiire
Nimaan Iyada haysani Ma laddo Neeftu way’iyadda’e
Neecawdda Tii lagu hurdee Lagu Nastaa Weeye
Naafoobe qoomkii kibree Nabbadda diidaaye
Naskuna sheegyey Nabruud iyo kancaan siday u niiqmeene
Nabarkii ku dhacay waan ognahay Najis fircoonkiiye
Nadigaa ku dhaga kii is bida Nibiri xoog Wayne
Naxdin iyo dilbaa wa heliyoo Naadhku waa go’iye
Naalada Aduun waa iyadda Nicam illaahay’e
Ruux waliba ha naadiyo Jidhkay Nudaha beertaaye

BAL TAARIIKHDA WAXAY QORTIYO SAADANBE AAN DHOWRNO.

Lasoco qeybta xigta..

Fadlan FAAFI oo la wadaag asxaabtaada.

Qalinkii: Abdiaziz Arab



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*