| | 467 views

Maqaal: Puntland danteeda waa taqaan

La ma yaabbanayn aamuska badan, ee aan lagu aqoon Cabdi Weli Gaas, oo shanqartii uu maqla mooda, in DALTUURKA lagu durduriyey.

La ma yaabbanayn, in Gaas ka aamusay khilaafka xoogga dastuur lahaa, ee u dhexeeyey kooxda hororka ah iyo Jawaari iyo xildhibaannada taageersanaa. In kasta oo ay dariiq xun ku idlaatay, hadda ayey rag iyo cod rabtaa.

Aamuska Gaas wuxuu ahaa, waan idin dhaafayaa waxaad rabtiin qasa, idinkuna doorashada soo socota ee Puntland ka dhici doonta, wixii aan qaso ka aamusa.

In kasta oo Gaas uu ballan la galay qolo aan ballan lahayn, haddana, labadii laqdabo ku heshiisa Lillaahi ayey ku dirirtaane, maanta Gaas iyo kooxdka Naxli Iyo Nuxuus waa ka la furteen. Waxaan sugnaa waa halka iyo sida dagaalku ku billaaban doono.

Waxay ku ka la hareen dan muqaddas iyo duruuf maangal ah, oo ah, in Puntland u baahan tahay taageerada, tababbarrada iyo taakuleynta Imaaraadka.

Diyaaraddii lagu qabtay garoonka Aadan Cadde, ee sidday lacagta, ayna leheed dawladda Imaaraadku, waxay si cad u sheegeen madaxda dawladdu, in ay lacagta ogaayeen, ayna iyaga u socotay. Gorad ma dhagaysateen? Waan hubaa, in hadal la yiri. Ma garto, in uu yiraa; idinkaa go’aanka gaaree hadla, anigu fuliye ayaan ahaye!

Lacagtaa sidii loo qabtay, DFS ka ma uusan iman nuglaan iyo muujin xeerin, ee sida ay madax falluuq u qabaan, ayaa kuwo kale oo madax falluuq qaba baraha bulshada ku faaneen; Imaaraad ha baxaan!

Soo ma daahin warcelinta Imaaraad, ee waxay soo saareen, in ay isaga baxayaan koofurta dalka, oo ay ugu muhimsan tahay Muqdisho, ayna joojisay tababbarradii ciidan iyo muushaarkii ay ku kabi jirtay ciidanka dawladda. Hadda waxaaba la leeyahay, waxaa la xirayaa isbitaalka Sheekh Zaa’id!

Puntland danteeda waa eegatay, oo u ma dabafariisan niman laptop Muqdisho ku haysta ama suud keliya dalka la soo galay, ee danta Xamar yaa u maqan, oo ilaalinaya?.

Sagaalka miylan ee la qabtay, ka la bar haddii ay Muqdisho ku baxdo waa dakhli iyo lacag soo gashay magaalada, oo waxaa laga dareemayaa nolosha, sicirka suuqyada, adeegga iqkb.

Waxay i la tahay, in ujeedku uusan ahayn keliya Imaaraad cayriya, ee waxaa qayb ka ah, Muqdisho cuuryaamiya, si aysan hormar u gaarin, u hanaqaadin, horseedna u noqon.

Aragtidaa gurracan waxaad mooddaa, in ay si ahaan u hirgashay, maadaama dawlad si toos uga dhexmuuqatay Muqdisho ay isaga baxday, iyadoo ka xun falfalxumada kooxda madax falluuqa qabta.

Waagii Iiraan laga saaray dalka, in kasta oo aanan u riyaaqin, haddana, saamayn nagu ma lahayn, danna nooga ma xirnayn sida Imaaraad, marka haddii maanta Imaaraad baxay, yaa booskooda noo galaya; ma Qadar? Turki haddii lagu xijiyo ka warran? Nimanka aan arkay, wax walba ka filo!

Ugu dambayn, labo aragti ayaan tebin lahaa; mid hurdaweynayaasha Xamar ayaan u jeedin lahaa, midna waxaan u gudbin lahaa dawladda Imaaraadka.

Midda dawladda Imaaraadka aan ku hormaree: nimankaa hoggaanka xun, hiraalka liita, hungada wada, hagidda dilan dhaqanxumooda fadlan ha noo qabannina, ee noo dulqaata, inta aan heeryadooda hagar is ka rideynno.

In xiriirkeennu wanaagsanaado, anaga Soomaali ah, ayaan dan iyo damacba noogu jiraa, marka in dhankeenna ka yimaad ciriirigelin waa caqlixumo, ee col ha naga noqonnina.

Hurdaweynayaasha Xamar waxaan leeyahay, kooxda madax falluuqa qabta, ee go’aanka gurracan magaaladiinna u gaaray, mar aan dheerayn, mid walba waddanka uu baasaboorkiisa haysto ayuu ku laaban doonaa, marka xilka laga qaado ama uu xilku ka dhaco lana dooran waayo, markaas maxaad sheegi doontaan? Ma waxaad dhihi doontaan; go’aanka waxaa noo gaaray, in SUUD ma ahan wax kale aan magaalada ka ool? Ma waxaad dhihi diintaan, magaalada waxaa cuuryaamiyey, nin laptop keliya la yimid? Suuragal iyo maangal midna ma ahan, ee maan kale keena.

DHAN.

Qalinkii: Bashiir M. Xirsi



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*