| | 329 views

Haweeney isku dishay Magaalada Muqdisho

Sidda ay xaqiijiyeen dadka kunool degmada Yaaqshiid Haweenay  lagu magacaabi jiray Xaawa Cali Maxamed oo heysatay labo carruur ah ayaa xalay isku daldashay Degmadaasi

Eheladda Haweenayda ayaa warbaahinta u sheegay in falkaan uu ka dhacay dhisme ku dhow Saldhiga Booliska ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo aan la garanayn wixii ku kalifay in ay is disho.

Muddooyinkii ugu dambeysay ayaa la sheegay haweeneydan in ay la tacaaleysay xanuunka dhimirka.

Macalin Cabdulle Macow oo ka mid ah Eheladda Haweenayda waxa uu xaqiijiyay in muddooyinkan dambe ay haweeneydan xanuunsaneysay, balse markii ugu dambeysay ay xaaladeedu ahayd mid degan, isla-markaana aanay aqoonin waxa ku khasbay in ay is disho.



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*