| | 1,119 views

Ogaaden Awoowgaa Alla gub. ( Cinwaanka haka caroon, waa caaradkii ee ciribta Aqri)

Dagaala badan ayaa Ingriiska iyo Somalida gaar ahaan Ogaadenka ku dhax maray Kismayo, waxaana lagu dilay saraakiil badan oo uu ka mid ahaa Mr. Aurther Jenner oo ay dileen ogadenku taariikhdu markii ay aheed 16/Nofembar/ 1900. Mr. Jenne oo loo xil saaray in uu xaliyo arrinta Ogaadenka oo dadka dilayay kana soo hor jeestay maamulka cusub ee Ingriiska kana cusleystay in ay bixiyaan lo’ lagu ganaaxay.

Afartii galabnimo 25tii Agoosto ayaa Suldaankii Ogadeenka oo ay la socdaan 350 nin ayaa yimid xerada ciidamada Ingriiska si ay u bixiyaan lo’dii lagu ganaaxay ,waxaa banaanka xerada uga hortagay Mr. Jenne iyo kaaliyihiisii Mr. Blake. Waxa kale oo ogadenku iska soo wareejiyeen 4 qori ee kale oo ay hore uga qabsadeen ciidaadii Ingriiska 22kii June, horena 4 Qori oo kale ayey soo celiyeen. Mr. Jenner waxa uu u sheegay taliyaha guud in uu ku qancay go’aanka ogaadeenka, iyagana loo celiyo lo’dii hore looga soo qaaday bacdamaa ay keeneen qoryihii ku dhinnaa sida laga soo xigtay Stephen J North. Soo Celinta Qoryahaa oo noqotay xeelad uu Ingriisku ka shanlaayay ,laguna dilay sarkaalkii qoryaha ka qaaday. waxa ayna diyaariyeen dhalin yaro dagaalka ka qayb gasha.( fiiri sawirka 1aad).

Captain Charle Tanner iyo Wallace Blake ayaa ciidama xoog leh looga keenay Mustacmaradihii Ingriska ee Hindia si ay iskugu fidiyaan dhinacyada wabiga Juba, intii isfidinta ay ku jireen, Captain Charle ayaa gacantaa Yaxaas ka qaniinay, waxaana ka hor yimid dagaalyahano ogaden ah 7th November 1898. Arrintu waxa ay sii xumaatay 22 march markii ay ogadenku dileen 3 nin oo Carab ah oo Adoonta ka ganacsada ,kadibna Ingriiska ayaa 26 neef oo lo’ah ka soo kiisay jufadii Carabta dishay, kadibna ogadeenkii ayaa dilay qaar badan oo ka mid ahaa Booliskii Afrikaanka ahaa ee ingriiska la socotay. 15/11/ 1898 Wallace Blake waxaa loo magacaabay kaaliyaha maamulka kismayo, laakin 6 bilood oo fasax mushaar la’aan ah ayuu qaatay ilaa 4/5/ 1899. Hase yeeshee, kismayo waxa uu ku soo laabtay 4/5/1900.

Arthur Jenner waxaa ogadeenku dileen 16kii November 1900, isaga oo kormeer ku jira watayna ilaalo kooban waana khaladka uu galay , sida hore ugu dhacday rag Ingriis ahaa oo ay ka mid ahaayeen Harry St Galt iyo OS Crewe. Guushaa kadib waxa ay ogadeenkii isagu soo bexeen ciyaartii guusha.( fiiri sawirka 2 &3aad iyo qoraalka Af ingriisiga ah ee ku hoos qoran). Ma ahan ciyaartii Dirgix dirgix, tani waa ciyaartii dagaalka ee Ogadeenka kismayo 100 sanno ka hor.

Wallace Blake waxa uu raadiyay goob jooga yaal sida dilku u dhacay ,waxaana ka mid ahaa raggii goob jooga ahaa. Md. Ibrahim Guuleed oo yiri: 4tii subax 16/11/1900 waxaan arkay rag badan oo ogadeen ah oo ku soo firxanayo xeradii uu joogay Mr. Jenne ,anniga waa i qabteen ,kadibna waxa ay dhulka dhigeen teendhadii uu Mr. Jenne ku jiray, laakin Md. Yusuf Guuleed oo ka tirsanaa police-ka ingriiska ayaa sheegay in Md. Cumar Magan uu Ogadeenka u basaasay una sheegay xaaladda xerada, xabbado baaq ahna uu kor u riday , isaga oo garab siinayay Ogadeenka.

Waxaa kale oo markhaatiga ka mid ahaa Md.Xassan Koshin, oo yiri: Anniga waxaa la i raaciyay Ariga aan wadanay ee ciidamada loo qali lahaa, wax khatar ah ma dareemeyn habeenkaa oo Jimca ahaa si cabsi la’aan ah ayaan u seexanay ,waxaan ku soo toosay rag fara badan oo xerada soo galaya aniga garba duub ayeey ii qabteen, mana rabin in ay somalida dilaan.

Waxaan arkay Mr. Jenne oo teendhadiisa ka soo baxayo waxa uu duubnaa shukumaan weyn oo kaliya, mana wadan Bistoolad, Qori iyo xatta Ul, markii uu arkay in ragiisii la soo weeraray waxa uu isku dayay in uu is difaaco, waxa uu haraati la riday nin ogaden ah,kadibna isagii ayaa lagu soo xoomay ,wana la dilay.

Madaxa ayaa midi looga jaray ,madaxii xarig ayaa lagu xiray, maalintii oo dhanna waa la jiid jiidayay Madaxii Mr. Jenne. Md. Xassan kooshin waxa kale oo uu sheegay in Md. Cumar Magan in uu xerada imaan jiray waana ogaa in 160 nin oo ogaden ahi na soo weerari doonaan.

Mr. Wallace Blake waxa uu ka walwelay haddiiba Mr. Jenne oo somalida xiriir la lahaa la dilay, kumanyaal Somali ahina u soo dhaqaaqeen dhinaca kismayo si ay magaalada iyo inta ku noolba u baabiyaan.

Gurmad ayuuna ka codsaday Lamu iyo Zanzibar si magaalada loo difaaco ,waxaa magaalada joogay tira ciidana oo yugaandees ah .waxaa jawaab deg deg ah soo siiyay Colonel: Ternan oo ka soo gaary, markabkiisina uu yimid 24kii November, ( fiiri sawirada 4 & 5aad) magaalada waxaa lagu wareejiyay Silig ahaa gidaar difaaca ,waxaana la diyaaray ilaalo deg deg ah oo meela badan la dajiyay si ay ogadenka uga hor tagaan. waxaana la diyaariyay ciidankii loo yaqiin “ciqaaba yaashii ogadeenka” ‘Ogaden Punitive Force 1900’. waxaana hogaan looga dhigay Lieut. Colonel GP Hatch, Mr Blake-na waxa laga dhigay madaxa wardoonka iyo kaaliyaha gudoomiyaha Juba land, dhinaca kale gaaddidka waxaa loo magacaabay Mr. St John Shawe. 25 November waxaa la soo saaray sharci ahaa in deegaanada Somalida ee Kismayo la burburiyo lagana fogeeyo 100 Yard gidaarada laga ilaalinayo magaalada iyo in magaalada gudaheeda laga raro somalida, laakin magdhaw ayaa la siiyay dadkii guryaha laga bur buryay, si ayna ugu biirin kuwa duulaanka soo ah ee Ogadenka,waxana la diyaariyay madaafiic la jiidayay.

28dii November waxaa la soo saaray amar kale ,in ganacsatada deggan Kismayo iyo agagaaraheedu ayna ka iibin Karin Bunka, Caleenta Shaaha iyo Sokorta cid aan aheyn reer yurub ama shaqaalaha u shaqeya reer yurub, qofkii amarkaa jabiyana in la tarxiilayo ,sidaa oo kale waxaa la diiwaan galinayaa qof kasta oo kismayo soo galya iyo wixii badeecaa ee la keeno ama bakhaarada ku jira ,cuntadana in raqiis looga gado dadka reer yurubka ah. Dhinaca Baddana waxaa Ingriska ka caawinayay Markabkii uu watay Captain Fisher iyo maraakiib kale, guud ahaan Kismayo waxaa lagu soo ragay “Marshall Law” duulaana waa la qaaday .

Khataratii ayaa sii badatay markii ogadenku ay dileen Lieut. Colonel Maitland, 16kii March 1901dii ,dhulka lagu duulayay waxa uu lahaa keymo dhir badan ,waxaana la socon karay maalintii 10 mile oo kaliya, waana meel 75 mile u jirta Afmadow, Somalidii ayaa seddax dhinac ka soo weerartay ,xeradii ay degeen Ingriiskii duulaanka ahaa, waa sigatay xeradu laakin lama qabsan , haseyeeshee, qaar ayaa ka soo dusay dhinaca xiga Isbitaalka xerada, wana halka ay ku dileen Lieut. Colonel Maitland, iyo Dr. Mann oo isagana loo geystay dhaawac fudud oo gacanta iyo madaxa ka gaaray, qaar badan oo Bukaankii Isbitaalka ahaana waa la dilay qaarna waa la dhaawacay .kuwii Somalida ahaa ee soo xera taraaray waxaa laga dilay 17 nin , dagaal culus oo 10 daqiiqo oo kaliya socday kadib somalidii dib ayeey u gurteen iyaga oo dhaawac badan qaba. Dhinaca kale Sida laga soo xigtay Dr. Harold Edward Mann, oo ahaa shaqaale caafimaad ,300 nin ayaa ayaa mar kale soo weerartay Siligii kismayo .

Waxaa jiray Md. Cabdiraxmaan Mursal oo ka mid ahaa nadoonada Ogadeenka kuna soo biiray sirdoonka Ingriiska waxaa shirqoolay Colonel Ternan markii la ogaaday in Md. Cabdiraxman Mursal uuna daacad u aheyn Ingriiska uuna la mid yahay hogaamiyayaashii somalida ee dilay Lieutenant Elliott iyo 50 kale oo ciidamadii Ingriiska ahaa sida laga soo xigtay Captain Price, culeyska waxa uu sababay, in si loo dhiiri galiyo ciidamada Ingriiska iyo saraakiishii ingriiska tababar loo celiyay. mushaarkiina loo badiyay.

Sidoo kale Taariikhyahankii Ingriis ahaa Mr. Wandsworth ayaa sheegay in khatartu ay sii badatay markii maxaabiis badani ay baxsadeen.

FG: Ma ihi taariikhyahan ku taqasusay cilmiga taariikhda, waxaan u ifinayaa taariikh yahanadu in ay sii baadi goobaan taariikhdaa walaalaheen Ogadeenku ay uga hortageen Isticmaarkii Ingiriiska.

Hala yaabin Cinwaanka( Ogadeen Awowgaa Alla Gub.kkkkkk). Ma ahan inkaar ee waa hal kudhaga uu lahaa, oo aan ku xasuusinayo saaxiibkeey Dr. Maxamed Xussein Gaas oo muddo dheer aan soo wada shaqeynay. Ogadeena uma arko qabiil ee waa qowmiyad degan wadama badan.

Dagaalka ay galeen ogadeenka Koofure waa ka muhimsanyahay kii Daraawiishta. Gaalada ay dileen kuwa koofure waa ka badnaayeen waana ka muhimsanaayeen kuwii Daraawiishta, oo badana dagaalkoodu uu u badnaa dhulka miyiga ah, gaalada ay Daraawiishtu dileen waxaa ugu magacweynaa Mr.Koofil oo kaliya. Laakin Ogadeenka Kismayo waxaa ku maqan saraakiil badan oo Ingriis ahaa oo ay dileen ( fiiri Sawirada 6,7,8 & 9aad) iyo kuwa kale .

Raggii sidaa berri ula dagaalami jiray Isticmaarka ayaa weli qaarkood isticmaar ku hoos nool yihiin, soow ma ahan – Awoowgaa Alla Gub.

Fadlan wixii aan khalday iga sax, wixii ka dhiman ku dar, ma ihi dadka taariikhda bartay, Laakin taariikhda walaalheey Ogaden ay sameeyeen waa Taariikh Somali oo dhami ay leedahay oo aan Aniguna ku faani karo. Ogowna Ogadeenka oo kaliya ma aheeyn qabiilada Isticmaarka kula dagaalay Kismayo.

Qore: Yahya Amir.



Flag Counter

Archives



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*