| | 234 views

SYRIA oo Israel ku eedaysay weerar lagu soo qaaday

Dowlada Siiriya ayaa ku eedaysay diyaaradaha dagaalka ee Israel inay ka danbeeyeen duqeyn Isniintii shalay lala beegsaday mid kamid ah saldhigyadeeda militari oo ku yaal gobalka Homs ee bartamaha Siiriya.

Saldhigan oo 40km dhanka Galbeedka uga beegan magaalada taariikhiga ah ee Palmyra ayaa waxaa la sheegaa inay ku sugan yihiin ciidamada Jamhuuriga ee dalka IRAN, kuwaasi oo gacan siinayey militariga Siiriya.

Labo diyaaradood oo ah nooca F-15 oo ay Israel leedahay ayaa la sheegay inay kasoo galeen dhinaca hawada wadanka Lubnaan oo ay Siiriya jaarka yihiin, waxayna shan gantaal ku tuureen Saldhigan lagu magacaabo T-4.

Militariga Ruushka ee iyaguna ku sugan dalka Siiriya ayaa xaqiijiyey in weerarkan ay geysteen diyaaradaha dagaalka ee Israel, walow aysan faah faahin ka bixin khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

Telefishinka dowlada Siiriya ayaa sheegay inay 7 qof ku dhaawacmeen gantaaladaasi.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay xili Beesha Caalamka ay ku goodineyso inay tilaabo ka qaadi doonto dowlada Siiriya oo lagu eedeeyey in Sabtidii lasoo dhaafay hubka Kimikalka u adeegsatay shacabka ku sugan deegaanka go’adoonka ku jira ee Douma oo bariga uga beegan caasimada Dimishiq, weerarkaasi ayey ku dhinteen in ku dhaw 80 qof oo rayid ah.



Flag Counter



Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*