| | 1,091 views

Siyaasadda Soomaalida iyo Sirqaha qarsoon!!!!!.

Wax akhyaar loogu maahmaahana ma lahe: Oday macloow, ayaa dukaankiisa markuu soo xiray ,bacdal maqrib ayuu gurigiisa yimid. Waxaa uu arkay xaaskiisii Aay Batuulo oo marwa aad u wanaagsan aheyd, qof dhowrsana aheyd iyada oo qaawan jilbaheeduna kor u taagan yihiin ,wiil yar oo guriga ka adeegayayna Ku mashquulsan yahay.

Oday macloow waa aamini waayay in Aay Batuulo ay sidaanu ka suuraawdo, masjidka ayuu aaday wadaado ayuu ka soo watay isaga oo leh, Aay Batuulo sidaanu kama suuraawdo,waa la sixray ee xaaska quraan ii saara.

Maanta waxaan arkay xildhibaano aan siyaasiyiin u maleeynayay oo leh Jawaari sidaanu kama suuraawdo , waa la sixray ee quraan aan saarno.

Xildhibaanadu ma oga miyaa, siyaasadu sixir malahan, ee sir ayeey leedahay,duqo shan farood ayuu idiin taagay, (fiiri sawirka) mid ayuuna ka doortay, adinkuna waxaad noqoteen Aw Macloow oo aanan kaba war qabin waxa gurigiisa ka socda. Wiilka yar oo guriga ka adeegana aamin wadaniya ma ahan, adinkuna indheer garad ma ihidiin, Aay Batuulana khaatumadaa ka xumaatay. Kuligood armey siriq kale ku wada dheceen?.

Hadda Aay Batuulo waa fasaqatay, wiilka guriga ka adeegayo, sixiroow ma ahan ee waa idin siray.

Ow Macloow muxuu soo wadaa?.

FG: aragtidaada xor ayaad u tahay, wixii qoraalka ka qaldan ka sax, wixii ka dhimanna Ku dar.

Qore : Yahya Amir.





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada