| | 369 views

Guddoomiye Jawaari oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kulankaan la qaatay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Turkiga iyo sidii dowladda u sii dar dar gelin laheyd taageerada ay Baarlamaanka Soomaaliya siiso.
Kulanka waxaa ka qayb galay Mas’uuliyiinta Hay’adda TIKA oo ah hay’adda dib u dhiska ku sameyneysa Xarunta ku meel gaarka ah ah ee golaha shacabka.
Waxay aheyd 10-kii bishii Maarso ee sanadkan markii heshiis ku saabsan dhismaha xarunta golaha shacabka ay kala saxiixdeen guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya,waxaana dhismaha xarunta uu socon doonaan mudo halsano ka yar.
Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay mar walba diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siineyso Soomaaliya.
Gudoomiyahe Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa uga mahad celiyay dowlada turkiga iyo hay’adda TIKA sida ay mar walba u garab taaganyihiin golaha shacabka gaar ahaan dhismaha hada ay ku sameynayaan xarunta golaha shacabka.



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*