| | 361 views

Haddii Fulintii,sharci dajintii,iyo Dastuur dhowrihii ay shacabka dhibeen, Masjidkeen geynaa? NASASHADA JIMCAHA.Q-90aad.

1-Aabe ayaa Saddaxdiisii gabdhood Ubax American, faay shacbi, iyo Zahra waqti ay wada dhibeen, markaa ayuu ku yiri: Jimcaha masjidka ayaan idin geynayaa, oo aan leeyahay yaa iga aroosayo, mid ayaa tiri: Aabe haddad masjid na geeyneyso, waxaad nageysaa Masjidka isbaheysiga ama Masjidka Madaxtooyada ee Villa Somalia, labadaas ayaa magaalada ugu shidane.( fiiri Sawirka 1aad)

( Haddii Fulintii, sharci dajintii, iyo Dastuur dhowrihii ay shacabka dhibeen, Masjidkeen geynaa?)

2- koo Cabtooy ah oo dalka ku soo laabaty ayaa loo galbinayay aroos, in uu ku soo Aqal galo Afgoi. Gaarigii Markuu Wax Yar Socday, ayuu is yiri aroos ayaad tahay ee gaariga ku dhax shanleyso, Diriishadii ayuu madaxa Kala Baxay. Markaas Ayey Koofiyadii Ka Dhacday. intuu Labo Doolar Kadaba Tuuray, ayuu yiri: Gaariga Dambe Soo Qabso, halka Basaska laga raaco ayaan Kugu Sii Sugaa. Is tus tus miyaa lacag tuuridu mise aqli yaro.( Fiiri Sawirka 2aad).

( wax kasta oo gacantaada ka baxa Dollar ma soo celin karaa? Ar mooshinada wada socdo maskax ha lagu daro)

3-Maalin ayaa Naag Waxa ay timid Saldhiga Booliska si ay u baafiso Ninkeeda oo ka maqnaa in mudda ah. Askarigi ayaa weydiiyay: “Astaanta Ninkeeda lagu garan karo .

Naagti ayaa tiri: ” Waa Nin Dheer, oo Cad, Tima Jilicsan,ilka siman oo cadcadna leh, jirkiisu dhisan yahay, qoor Dheerna leh.

Naagta wiilkeedii yaraa oo La socday ayaa yiri: Hooya, Aabo Sidaas uma ekeeyn.

Naagti ayaa dharbaxo Wiilka Ku dhufatay Kuna tiri: “Nacala Aabaha folxumadiisa Kutaale, Naga daa kaa, waxaan rabaa in naloo Badalo. ( fiiri Sawirka 3aad)

(Baadi aan ka maqneeyn qofkii raadiya, balaayuu doontay. Haddii madaxdaadu dhaqan xun tahay, Bulshada been ha u tilmaamin)

4- Oday Qurbaha ka yimid ayaa wuxuu guursaday Naag Garoob ah, oo uu Soo Furay Cabdulle Saddax lugood. Subaxdii dambe ayaa la weydiiyay, odaygii bal kawaran raaxadda Guurka? wuxuu yiri : Meel uu Cabdule ku kaxeyn jiray gaari weyn oo N3- iska roge ah, ayaan aniga hadda ku Waxaa Kuwadaa Bajaaj .( fiiri Sawiradda 4 & 5aad)

( Howl kugu cusub dadkii kaaga horeeyay ayaa la weydiiyaa, dhibkii ay ka soo mareen. Dal burburayna daf daf iyo deg deg ma galyo, Alloow nabadda noo sug)

5- Nin ayaa xaaskiisu Saddaxda waqti waxa ay sii saa Canjeero, waxa uu go’aansady in uu la hadlo oo uu yiraa iga bedel canjeeradaan joogtada ah, waxa uu ku yiri: Macaanto adiga Canjeera duboow kaliya miyaa lagu baray.

Xaaskii oo Careysan ayaa ku tiri: ilaa aad adiguna boorka iska jafto oo aad wax ka bedesho Style-ka, Qaabka Sariirta, lana timaad Style-ka cusub, adiguna Canjeera lee cunee. ( Fiiri Sawirka 6aad)

( Shacabku saddaxda waqti Amni daro ley ku joogayaan,illaa ay wax iska bedelaan qaabka Qabiilka & Lacagtu u soo xulayaan masuuliyiinta)

6-Mid Cabtooy ah Ayaa Bas u gacan Haatiyey, Waa loo joojiyay, waxa uuna fadhiistay Darawalkii agtiisa, wuuna salaamay.

Cabtooygii ayaa yiri:: ima Xasuusatid Miyaa?

Darawalkii : Maya Wallaahi.

Cabtooygii: Macquul Maahan, in aad sidaa fudud igu hilmaanto.

Darawalkii: Maya, Wallahi kuma xasuusto ee isku key sheeg.

Cabtooygii: Aduunkaan dadkii xasuustii miyaa ku yaraatay, mise waad i inkiree? ha iga careeysiin.

Darawlkii ayaa isaga oo Ka xun ninkan yaqaan ee uu aan garaneyn ku yiri” Iga raali noqo ee hadda isku keey Sheeg.

Cabtooygii: soow ma ihi, Kii Hada Kuu Gacan Haatinaayey ee aad Gaariga u joojisay.

( Horta Akhristoow, waa adigan ku mashquulsan Face book ee ma i taqaan, ma inkiree, soo ma ihi kii, hadda qoraalkiisa Nasashada Jimcaha aad aqrineysay, laakin Cabtooy ma ihi.kkkkkkk.)

Qore: Yahya Amir



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*