| | 789 views

Awbaan sheegay in laga xaday Miraha heesta Barbar

Abwaan Yuusuf Muuse Cabdi (Maasho), oo u dhashay Dalka Jabuuti ayaa sheegay in Heesta Barbar ee uu qaado Fanaanka iyo maadeeyaha lagu magacaabo Oomar Ereyadeeda laga xaday isaga.

Yuusuf Maasho waxaaa uu sheegay in heesta Barbar uu 2004tii isaga sameeyay islamarkaana dugsiga tababarka Macallimiinta Jabuuti lagu soo bandhigay xilligaas.Waxaa uu sheegay in heesta la qalay,ereyada qaar laga tagay halka kuwo kalena sidooda loo qaatay,waxana uu ku doodayaa in miraha heestaasi Barbar uu isaga leeyahay.

Abwaan Yuusuf,waxaa uu sheegay in isaga oo jooga Magaalada Deridhaba loo sheegay in heestiisii Barbar la soo cusbooneysiiyay iyada oo waliba abwaan cusub sheegayo in uu miraha isaga sameeyay.

Waxaa uu intaas ku daray in uu aad uga xumaaday in Heestii usaga uu sameeyay lala sheegtay islamarkaana waxaa uu xusay in Dadka Soomaalida ah aysan dhowrin hantida Fakarka.





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada