| | 334 views

Madaxda Turkiga, Ruushka iyo Iraan oo ku shirsan Ankara

Madaxweynayaasha Waddamada Turkiga,Ruushka iyo Iraan ayaa ku shiraya Magaalada Ankara ee Caasimadda Dalka Turkiga.

Madaxweynaha Ruushka ayaa xalay ku hoyda Ankara halka Madaxweynaha Iraan uu dib uga biiray.

Saddexda dal waxaa ay ku lug leeyihiin dagaalka 7-da sano jirsaday ee ka socda Dalka Syria,waxaana ay isu arkaan Waddamada xalka kama dambeys ah ka gaari kara colaadda Syria.

Turkiga waxaa uu taageeraa koox Mucaarid ah oo dowladda Syria dagaal kula jirta halka Waddamada Ruushka iyo Iraan ay taageersanyihiin dowladda Bishaar Al Asad.

Waxaa ugu muhiimsan ee uu Turkiga doonaya ayaa ah in waddamada Iraan iyo Ruushka ay ka gacan siiyaan dagaalka uu kula jiro Kurdiyiinta Syria.



Flag Counter

Archives

Barnaamijka Xidigaha Fanka waxaan maanta marti noogu ah Fanaanada Caasha Karaama *Dhageysi wacan*