| | 847 views

Fanaannada Sahra Axmed Jaamac oo Geeriyootay

Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland waxaa Isbitaal ku yaalla Magaalada Hargeysa ku geeriyootay Fanaannada Soomaaliyeed Sahra Axmed Jaamac.

Sahro ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jirtay Isbitaal ku yaalla Magaalada Hargeysa, waxaana ugu dambeyntii ay geeriyootay Saakay.

Sahro Axmed, waxa ay fanku ku biirtay 1969-kii, waxaana la sheegaa in ay ka mid aheyd Gabadhihii ugu horreeyay ee Fanka kusoo biiray Xilli Xoriyadda ka dib.

Sahro Axmed, waxaa ay horay uga tirsaneyd hobollada Waaberi.





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada