| | 408 views

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo faray in Laamaha Amniga ay warbixin Deg-deg ah ka keenaan qaraxii shalay ee Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiyeynaya geerida dadkii shacabka ahaa ee shalay ku naf waayay qarax loo adeegsaday Gaari oo ka dhacay afka kore Hotel Wehliye ee Muqdisho.

“Aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo kan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan ka tacsiyeynayaa dadkii qiimaha badnaa ee maanta nooga baxay qaraxii ka dhacay afaarka hore Hotel Wehliye ee Jidka Maka Al-Mukarama.

“Caddowga aan la dagaallameyno waa mid caadeystay gumaadka shacabka, waana mid adeegsanaya xeelado kala oo ay kamid tahay midda shalay dhacday.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa faray laamaha amniga ee arrintan khuseyso in ay warbixin deg-deg ah ka keenaan sida walxaha qarxa ay kusoo dhaafeen baraha kontroolada, isla xisaabtan dhab ahna waa inuu jiraa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyay shacabkii ku dhaawacmay qaraxan in uu All deg-deg u bogsiiyo, waxuuna sheegay in ay dowladdu si dhaw ula soconayso xaaladda bukaannada dhaawacoodu daranyahay.





Wareysi ku saabsan Xidhibaanada cusub ee Sweden Aaliyah Faduma iyo Mohamed Abdulkani

Dhageyso wareysi xiiso leh: Guushii xildhibaanada cusub ee Somali-Swedhishka ee golaha deegaanada